Salah + Mane:Liverpool Oo Ku Soo Laabatay Dhabbihii Guusha

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay Bournemouth iyada oo ku soo laabtay wadada guulaha horyaalka premier League,  kulan ka dhacay garoonkeeda Anfield.

Liverpool ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed wacan,  oo weeraro wakhti hore ah ku sameeyay fursado ay goolal ka dhalin karaan laakiin Bournemouth ayaa si fiican u difaacatay.

Liverpool ayaa dhanka maamulka ciyaarta gaadhsiisay 76% iyada oo Bournemouth u diiday in ay qaadaan weeraro rogaal celis ah oo halis galiya kooxda. Bournemouth ayaa daqiiqadii 9-aad Liverpool ka dhalisay gool kadib markii uu  Callum Wilson Bournemouth u dhaliyay goolka 1-aad ee hogaanka ay u qabteen ciyaarta. Liverpool ayaana niyad jabin waxaana ay iska ciyaartay kubad baas ah oo ay doonaysay inay ku jabiyaan difaaca adag ee ay Bournemouth hor dhigtay goolkeeda. Liverpool ayaa daqiiqadii 25-aad dhalisay goolka bar-baraha iyada oo uu Mohamed Salah u dhaliyay kadib markii uu Sadio Mane kubad ka qaaday Ciyaaryahan  Bournemouth ah isaga oo ciyaarta ka dhigay 1-1. Liverpool ayaana halkaas ku joogsan laakiin sii waday weerarkeeda  ee ay ku doonaysay inay ku dhaliso goolal kale oo ay ciyaarta hogaanka ugu wareegaan. Daqiiqadii 33-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad iyada oo uu u dhaliyay Sadio Mane kaas oo baas qurux badan ka helay Virgil Van Dijk kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1. Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Liverpool hogaaminayso ciyaarta dibna u heshay qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay wayday kulamadii ugu dambeeyay.

Qaybtii dambe ayay Liverpool ahayd mid maamulaysa ciyaarta iyaga oo 82% gaadhsiiyay kubad haysashada sidoo kale sameeyay fursado goolal laga dhalin karo.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool sidaas ugu soo laabatay wadada guulaha horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa badisay 22 kulan oo xidhiidh ah premier League kulamada garoonkeeda waana rikoodhka ugu dheer ee ay Koox ka dhigto taariikhda premier League.