Badhasaabkii Dawladii Siyaad Barre U Joogay Hargeysa Oo Ka Hadlay Xasuuqii Loo Geystay Shacabka

Hargeysa, (Aftahannews)-Badhasaabkii dawladii milatariga ahayd ee kaligii taliyihii Siyaad Barre u joogay Hargeysa sideetameeyadii Cumar Salaad Cilmi oo ka hadlay dhibaatada dawladaasi u gaysatay dadkii ku noola magaalooyinka wakhtigii dagaalku dhacay ayaa sheegay in hubabka culus lagu garaacay dadkaasi oo xasuuq ba’an loo gaystay.

Waxaanu sheegay in si axmaqnimo ah ay dawladaasi u gumaaday bulshada isla markaana 70% dhulka la dhigay magaalada Hargeysa, ayaa tilmaamay in sidoo kale dadkii ka qaxay dagaalka in diyaarado lagu duqeeyay oo dariiqyada ay kaga daba tagayeen.