Ilaalinta Sirta Oo Daciifisa Awoodda Qofka, Dhaawacna u Geysato Jidhka

Hargeysa (Aftahannews) – Cilmi-baadhis uu sameeyey dusgiga Ganacsiga ee Jaamacada Columbia, ayaa iftiimisay in sirta la qariyaa dhaawac u geysato jidhka qofka, lana mid tahay sidii qofku uu qaaday culays aad u daran.

Sidoo kale, khubarada daraasada samaysay waxay sheegeen in ay qarinta sirtu ay lumiso tamar aad u badan oo la mid ah ta qofku lumiyo marka uu qaado miisaan aad u culus.

Cilmi-badhayashu waxa ay tilmaameen inta uu qofku ka fikiraayo qarinta sirtaas ay tahay inta badan ee uu isticmaalo maskaxdiisa iyo awoodda jidhkiisa ku jirta.

“In qofku sirta qariyo waxay keenta in maskaxdiisa culays badan fuulo, jidh ahaana uu tamar aad u badan ka lunto,” ayuu yidhi Michael Slepian oo ka tirsan khubarada daraasadan soo saartay.

Culayska sirta uu qofku qarrinaya leeg tahay waxay sababtaa in qofku dhammaan waxyaabaha ku xeeran oo dhan u arko in ay loolan kula jiraan, haddii qofku uu heli waayo dhiirigelin iyo dulqaad waxay keenta inuu dhibaato badan la kulmo sida ay cilmi-baadhistu iftiimisay.

Daraasadan waxa qayb ka ahaa in saynisyahannado baadhitaan iyo tijaabo qiimayn ah ku sameeyaan culayska sir qarintu ay leedahay, waxaana u soo maxday in dadka sirta qariyaa ka takooran yihiin dadka kale, jidh ahaana ay aad u dhuuban yihiin, maskaxdoodana culays badan saarmo.