Kooxda Tottenham Oo Barbaro Lagu Qabtay + Lionel Messi Oo Hogaanka U Dhiibay Kooxdiisa Barcelona

 Tottenham ayaa la kulantay barbarro niyad-jab leh kulan ay booqasho ugu tagtay Burnley oo ay ku kala baxeen 1-1, waxaana sii yaraanaysa fursadda ay Spurs u heli doonto inay kaga qayb-gasho tartamada Yurub ee xili ciyaareedka soo aaddan.

Jose Mourinho iyo kooxdiisa ayaa u degay kaalinta siddeedaad ee miiska kala-sarraynta, laakiin tababaraha reer Portugal oo dhaliilo badan loo jeedinayey ayaa waxa uu kusoo bilaabay saf adag oo uu filayey inay ka yarayn karayaan culayska, waxaanu ku soo bilaabay Dele Ali, LAmela, Ndombele, sidoo kalena waxa uu soo celiyey laacibkii dagaalka galay Arbacadii ee Dier.

Sidoo kale, Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa hoggaanka horyaalka LaLiga dib ugu soo laabatay kaddib markii ay 1-0 kaga adkaadeen Real Sociedad oo ay ku martigeliyeen Camp Nou.

Lionel Messi ayaa jidka guusha ku soo celiyey kooxdiisa isaga oo gool u beddelay rikoodhe loogu dhigay kubbad uu gacan ku qabtay laacibka Le Norman oo ku jiray diilinta dhexdeeda, waxaana guushaasi ay siisay inay laba dhibcood ka sare marto.