Haweenay Nolosha Silic Ku Martay Oo Alle Mataanno Ugu Bedelay  

Hargeysa, (Aftahannews)-Helen Warade waa hooya saddex carruur ah oo ay dhashay oo ay weliba aabba la’aan soo korsatay halmar ay si lama filaan ugu wada geeriyoodeen.

Dab gurigeeda qabsaday ayey hal mar ku wada gubteen saddex carruur oo ay iyadu dhashay, walaasheed iyo ilma ay walaasheed dhashay qoyskeeda oo guud ahaan ka kooban 5 qof.

“Carruurta inta ay iga geeriyoon ka hor waxaan dhibaata aad u badan kala kulmay korintooda iyo barbaarintooda caruurta oo 3 iskuul oo kala duwan wax ka baranaysay inaan iskuulka geeyo ama aan ka keeno waxay igu ahayd mid aad u adag” ayey tidhi Helen.

Seddexada carruurta ah ee Helen marka wada geeriyooday Yoseef wuxuu ahaa 13 jir, Yasen oo 5 jir ah iyo Nisren oo 6 jir ah waxay ahaayeen ubaxyada ay dunnida ka fiirsato.

Muddo hadda 10 sanno laga jooga oo ku beegneyd 2010-ka, barqanimo Sabti ah guriga ay Helen ku nooleyd ayaa laga maqlay qaylo aad u daran, waxaana gurigeeda hortiisa ku uruursan dad badan oo ka soo jeeda dalka Itoobiya oo ku nool gobolka Seattle”Xilliga ay dhaceysay arrintan naxdinta leh hooyada ilmaha dhashay oo leh “carruurteyda ayaan rabaa” oo hadba dhinac u ordayso dumar badan ay isku dayayaan iney dajiyaan ayaan arkayey” ayuu yidhi wariya ka tirsan wargeyska Times oo dhacdadan faallo ka qoray goob joogna u ahaa.

Shilka damba ee markaa dhacay ee ay Helen 5 qof oo faamilkeeda ah oo ay 3 carruur ah ooay dhahsy ku jiraan ku weyday ayaa lagu sheegaa inuu yahay dabki ugu weynaa ee muddo toban sana ah ka kacay Seattle.

Helen waxaa ila iyo hadda xusuusteeda ka bixi la’ marki ugu dambeysay ee ay carruurteeda iyo qoyski ka geeriyooday ay wakhti la qaadatay.

Muddo kaddib Helen waxay billaawday baalki madoobaa ee noolasha ka soo maray iney u aragto fursad ay cashar ka baraneyso kaddibna ay uga gudubta fursadda labaad ee noolasha”Waxkastaba ilaahey amarkii ayey ku dhacaan, ilaaheyna marki uu dhib kugu keenayo waxaa laga yaabaa wax ka wanaagsan inuu kuu diyaariyey samir iyo dulqaad kaddib, wuxuu ilaahey i siiyey laba wiil oo mataana ah oo aan ku indha qabowsado waa sababta aan u leeyahay wax kastaba amar ilaahey ayey ku dhacaan” ayey tidhi Helen.