Xukuumadda Somaliland Oo Si Adag Ugu Jawaabtay James Swan

Hargeysa(Aftahannews)-Xukuumadda JSL ayaa cambaareysay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay  James Swan oo sheegay inuu ka shaqeynayo nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa galabta soo saaray war-murtiyeed uu kaga jawaab celiyey hadallo ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qarammada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, war-saxaafadeedkaas oo soo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, wuxuu u qornaa sidan:-

 “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay iftiiminaysaa sida qotada dheer ee ay uga xun tahay  warmurtiyeedkii uu dhawaan   soo saaray  Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan oo sheegay in xafiiskiisu uu ka shaqeynayo qorshaha  geddi-socodka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto. Hadalkaasi maaha mid saamanaya  xaqiiqada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo nidaamkeeda dimuqraadiyadaba.

Dhawaaqa ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha Guud waxa uu ka hor imanayaa Qarammada Middoobay oo sheegta inay daacad ka tahay siyaasadda mandaqadda.

Xukuumadda JSL waxay cambaaraynaysaa  war-saxaafadeedkii Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay   oo ay u aragto daandaansi iyo farogelin uu ku sameeyey  xornimada Somailand iyo is-xukunkeeda. Waxa kaloo hadalkiisu   xushmad darro ku yahay   hannaanka dimuqraadiyadda JSL iyo horusocodkii ay  sameynaysay tan iyo  xiligii ay madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya 18kii May 1991kii.

Somaliland waxay  guulo waaweyn ka gaadhay oo u qabsoomay doorashooyin lagu guulaystay  oo ku saleysan hal qof iyo hal cod iyo hab nabadgelyo ah oo hoggaamiyeyaasha Somaliland ay  xilka iskugu wareejiyeen.”

 War-saxaafadeedka Xukuumadda Somaliland waxa lagu sheegay in afti qaran loo qaaday dastuurka JSL sannadkii 2001dii, isla markaana shacbiga  Somaliland si sharciya u soo doorteen Wakiilladooda iyo dawladooda, iyadoo Qarammada midoobay oo Somaliland xidhiidh la laheyd soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay si  wanaagsan uga war-qabto arrimahaas.

Hadalka Wakiilka Xoghayaha guud wuxuu xushmad darro ku yahay  waajibaadkii ay aheyd inay Qarammada midoobay ay garab istaagto nabadgelyada iyo xasiloonida mandaqada.

War-saxaafadeedka Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland waxa  kaloo lagu bayaamiyey in  siyaasadeynta iyo farogelinta Wakiilka Xoghayaha Qarammada midoobay ay  waxyeeli  doonto himiladii laga qabay  dib u bilaabista wadahadalada  beesha caalamku doonaysay inay u qabato Jamhuuriyadda Somaliland iyo  Soomaaliya, si ay uga wada hadlaan laba waddan cilaaqaadkooda mustaqbalka.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa beesha caalamku inay ka fogaadaan ficil kasta oo  ihaanno iyo liddi ku ah nidaamka dimuqraadiyadda, madax-bannaanida iyo xornimada Somaliland oo ay taabogeliyaan sidii ay u sii wadi lahaayeen inay Xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland  kala shaqeeyaan arrimaha horumarinta iyo xasiloonida mandaqada.”