Midawga Afrika Muxuu Ka yidhi Xaaladaha Cakiran ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya?

Chairperson of the Commission of the African Union, Moussa Faki Mahamat 2020
Chairperson of the Commission of the African Union, Moussa Faki Mahamat 2020

Addis Ababa(Aftahannews):-  Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa Ka hadlay xiisadda u dhexeysa dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya, taas oo maalmihii dambe cirka isku shareereysay.

Chairperson of the Commission of the African Union, Moussa Faki Mahamat 2020
Chairperson of the Commission of the African Union, Moussa Faki Mahamat 2020

Guddoomiyaha, ayaa waalac ka muujiyey xaaladda ka dhex oogan labada dowladood oo hore isugu hayey arrimo la xidhiidha kiiska Muranka Badda ee hor yaalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ.

Moussa Faki Mahamat, ayaa ka dalbaday madaxda labada dal inay is xakameeyaan, islamarkaana khilaafaadkooda ay ku xalliyaan wadahadal iyo deganaan. Waxaanu ugu baaqay xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi inay ka wada shaqeeyaan sidii dib loogu soo celin lahaa xidhiidhika saaxibtinimo ee Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in ururkooda oo kaashanaya beesha caalamka ay sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan, sidii la’isugu soo dhoweyn lahaa labada dhinac, loona dhameyn lahaa xiisadooda.

Faki Mohamet , waxa uu hoosta ka xariiqay in Midowga Afrika uu diyaar u yahay, sidii la’isugu keeni lahaa labada dhinac, si ay u xaliyaan khilaafaadka ka dhexeeya.

Hadalkan, ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Beled-Xaawo, gaar ahaan Xuduudda Soomaaliya & Kenya uu xoojiyey xiisadda labada waddan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.