Xiddig Hore Oo Liverpool Ah Oo Looga Shakisan Yahay Coronavirus

Xanuunka Coronavirus ee dunida ku fadhida waxa u jiifa dad ku dhow 100,000 qof oo ku nool 87 waddan, kuwaas oo badankoodu ku sugan yihiin waddanka China.

Tirada dhimashadu waxay maraysaa 3000 qof, waxaana labada waddan ee uu sida xun ugu faafayo marka laga reebo China iyo Koonfur Korea ay yihiin Talyaaniga iyo Iran oo uu dad badan ku laayay.

Waddanka Iran, waxa la sheegay inuu ku dhacay masuuliyiin ay ku jirto madaxweyne ku-xigeenka iyo wasiir ku-xigeen, laakiin waddanka Talyaaniga oo dhimashadu caga-cagaynayso 100 qof, waxa uu saamayn ku yeeshay ciyaaraha, iyadoo la sheegay inuu ku dhacay hal ciyaartoy oo koox heerka saddexaad ah iyo saddex kale oo da’yarta Juventus ka tirsan oo karantiil lagu sameeyey markii laga shakiyey.

Hadda waxa soo baxaya in waddanka Netherlands uu ku jiro dalalka uu xanuunkani ku faafayo, waxaana uu ku dhacay saddex ka mid ah tababareyaasheeda loo karantiilay xanuunkan.

Christian Poulsen oo u dhashay Denmark horena ugu soo ciyaaray Liverpool, waxa uu tababare ku-xigeen ka yahay Ajax, waxaana xalay la sheegay in looga shakiyey inuu ku dhacay Coronavirus, oo meel gaar ah lagu hayo isaga iyo laba qof oo kale oo ka mid ah shaqaalaha tababarka kooxdaas.