Michael Bloomberg: Musharixii Khasaariyay Nus Bilyanka Doollar

Washintong (Aftahanews)-Dalka Mareykanka waxaa wali laga dhowrsugayaa natiijada rasmiga ah ee doorashada xisbiga dimuqraadiga dhexdiisa oo ka qabsoomtay gobolada dalka Mareykanka.

Doorashadaas oo loogu magac daray Super Tuesday ayaa waxaa ka qeybgalay musharixiin badan oo ay ka mid yihiin Bernie sanders, Joe Biden, Michael Bloomberg iyo kuwa kale.

Balse iyadoo ilaa iyo iminka aanan la shaacinin doorashada ayaa waxaa tartanka isaga hadhay duqii hore ee magaalada New York, Bloomberg oo malaayiin doolar ku bixiyay ololihiisa doorashada.

“Saddex bilood kahor waxaan tartanka u galay si aan uga adkaado madaxweyne Donald Trump, balse maanta waan isaga hadhayaa”,ayuu Blomberg ku sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray.

Mr Bloomberg ayaa ugu yaraan lacag dhan 409 milyan oo doollar ku kharash gareeyay ololihiisa doorashada, si uu u noqdo musharaxa xisbga dimuqraadiga ku matela doorashada madaxtinimada ee Mareykanka oo dhic doonta bisha Nofembar ee sannadkan.

In Bloomberg uu isaga hadhay loollanka waxay ka dhigan tahay in uu khasaariyay lacag dhan nus bilyan dollar.

Ereyga khasaaro waaxaa la sheegaa in uu yahay mid aan isaga micna badan ugu fadhinin, maadaama uu yahay ganacsade hantidiisa lagu qiyaasay 60 bilyan oo doolar.

Lacagtaas uu khasaariyay Bloomberg ayaa dadka qaar ay u arkeen inay waxtar u noqon kartay dadka uu doorashada u galay ee uu doonayay in uu noolashadooda wax ka badelo.