Dawladda Soomaaliya Oo Laga Bixiyey Lacagtii Bankiga Adduunka

Muqdisho (Aftahannews)-Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa laga bixiyey lacagtii uu ku lahaa Bankiga Adduunka, taasi oo soo geba-gebeysay dib usoo nooleynta xidhiidhka labada dhinac, ka hor inta aan Soomaaliya looga fekerin inay u qalanto deyn-cafin iyo in kale.

Iska bixintan deyntan ayaa macnaheedu yahay in Soomaaliya ay hadda kheyraad cusub ka heli karto Bankiga Adduunka, taasi oo dhabbaha u xaaraysa dadaalka Soomaaliya ay ku gaadheyso marxaladda go’aan ka gaarista (Decision Point), markaasi oo ah xilliga la go’aaminayo inay geli karto marxaladda ay ku heli karto deyn-cafin“Waxaan Soomaaliya ugu hambalyeynayaa inay soo gaartay marxaladda muhiimka ah taasi oo u ogolaaneysa inay fursad u hesho taageerada Banka Adduunka ee lagu horumarinayo nolosha bulshada,” waxaa sidaas yidhi agaasimaha maamulka ee Bankiga Adduunka Axel van Trotsenburg.

Lacagta Soomaaliya ay iska bixisay oo gaareysay 365.9 milyan oo dollar ayaa waxaa bixiyey dowladda Norway. Lacagta Soomaaliya laga bixiyey ayaa ah tii uu ku lahaa Bankiga Adduunka, waxaase u harsan in laga cafiyo deynta dalalka caalamka ku leeyihiin oo gaadheysa 5.3 bilyan oo dollar.

Dadaalkan ayaa qeyb ka ah qorshe buuxa oo Soomaaliya ay sidoo kale ku bixisay dul-saaradii ay ku lahaayeen IMF iyo Bankiga Horumarinta Arfrica“Waxaan ku faraxsanahay in Norway ay ku tabarucday lacagtan. Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay in Soomaaliya ay soo gaadhay marxalad dhabbaha u xaadhi karta inay hesho deyn-cafin,” waxaa sidaas tidhi wasiirka arrimaha dibedda Norway Ine Eriksen Søreide.