Abiy Ahmed: “Jab Weyn Ayaan Gaadhsiinay Cadowgii Soomaaliya Ee Nagu Soo Duulay 1977-ka”

Addis Ababa (Aftahannews)-Itoobiya ayaa shalay xustay guushii ay ciidankooda, oo gacan ka helaya dalal kale ka gaareen Soomaaliya, dagaalkii 1977-kii dhex-maray labada dal.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo soo saaray qoraal ku aadan guushan oo dalka Itoobiya looga yaqaan Guusha Karamardha ayaa sheegay in Soomaaliya ay kusoo qaldantay Itoobiya“Si la mid ah quwadahii shisheeye ee horey qabsaday Itoobiya, Maxamed Siyaad Barre waxa uu sameeyey khalad weyn markii uu u qaatay inay ahayd waqtigii ku haboonaa ee uu qabsan lahaa Itoobiya. Waxa uu mooday inuu naga adkaan karo oo dalkeena uu tabar-darran yahay. Waxa uu isku dhufsaday xisaab qaldan wuuna nagu soo duulay,” ayuu yidhi Abiy“Waxa uu awood u yeeshay inuu qabsado dhul ballaaran oo dalkeena ka mid ah isaga oo aan la kulmin iska caabin. Hase yeeshee dadka Itoobiya ayaa muujiyey waxa ay awoodaan marka ay sare kacaan.”

Abiy Ahmed ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay ayaga oo aan tababar fiican haysan ka adkaadeen Soomaaliya.

“Colonel Mengistu Hailemariam ayaa isku keenay shacab la siiyey tababar deg deg ag oo awood u yeeshay inay jab weyn gaarsiiyeen ciidamadii Soomaaliya ee na qabsaday,” ayuu yidhi Abiy“Mar kasta oo aan liidanno waxaan casuunaa cadowga dibedda. Markaaan xooganahay waa nala xushmeeyaa“Waxaanna hambalyo, sharaf iyo maamusba halkan uga soo jeedinayaa ciidmadii Cuba iyo Yemen ee Itoobiya iyaga oo ka garab dagaalamaya naftooda qaaliga ah u huray difaaca Itoobiya. Geesiyadi Itoobiya oo naftooda u horay difaaca dalkoodana sida oo kale.”

Hadalka Abiy Ahmed ayaa imanaya xilli ay aad isugu dhow yihiin imika madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo rumeysan in Abiy uu gacan ka gaysan karo in Soomaaliya ay ku soo noqoto dalkii ay ahayd 30 sanno ka hor.