Faransiiska iyo Brazil u gudbiyey go’aanno ka dhan ah Neymar iyo Kylian Mbappe

Aftahannews Sports – Kooxda Kubbadda cagta PSG ayaa la sheegay inay ka hor joogsaday xiddigeeda Kylian Mbappe inuu u ciyaaro xulka qaranka France ciyaaraha xagaaga ee Olymbikada ee ka dhici doona magaalada Tokyo ee waddanka Japan.

Sida uu qoray wargeyska L’Equipe, Guddida sare ee maamulka PSG ayaa xidhiidh la sameeyey xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska, waxaanay ku wargeliyeen in aanay u ogolaan doonin Mbappe inuu qayb ka noqdo tartan aanay qabanaynin FIFA, kaas oo ay suurtogal tahay inuu ku seego ciyaaraha bilowga xili ciyaareedka dambe ee horyaalka Ligue 1.

Wargeysku waxa uu sheegay in Mbappe uu ku riyoonayo in uu waddankiisa hoggaamiye u noqdo oo uu ugu soo dagaallamo ciyaaraha Olambikada, isla amrkaana uu isku dayi doono in wax kasta oo ay ku qaadato uu naadigiisa ku qasbo in loo ogolaado inuu tago Toko.

PSG waxa kale oo ay warqad u diray xidhiidhka kubadda cagta Brazil ee CBF, waxaanay u sheegtay in xiddiga Neymar ay iska illoobaan oo aan loo fasixi doonin ka qayb-galka tartankaas, xilli tababaraha Brazil uu doonayo inuu kabtanka dib ugu magacaabo Neymar oo uu noqdo laacibka dalkiisa u hoggaamiya tartanka Tokyo.