Shacabka Turkiga Oo Saacaddo Badan Ku Qaata Baraha Bulshadda

Filed under: Wararka |

Baadhitaan cusub ayaa muujiyay in dadka Turkida ee jecel shabakadaha bulshada ku xidhiidho inay afar saacadood ku qaataan aaladaha lagu xidhiidho sida facebook-ga iyo Instagram-ka.

Marka la eego baadhitaanka oo ay sameeyeen shirkadaha Cereyan Medya iyo GfK, 8-dii qof ee kamid ah 10-ka qof ee dadka Turkida ayaa xisaabaad ama bogag ku leh shabakadaha xidhiidhka bulshada halkaasi oo ay maalintii ku qaataan afar saacadood oo wakhtigooda ah.

Warbixinta waxaa intaa lagu daray in dhallinyarada gaar ahaan kuwa da’dooda tahay 15 illaa 24 jir inay adeegsadaan warbaahinta bulshada ku dhawaad shan saacadood maalintii.

Baadhitaanka oo laga sameeyay 15 gobol oo ku yaalla Turkiga ayaa muujiyay in 91% dadka isticmaala shabakadaha xidhiidhka bulshada inay bogag ku leeyihiin Facebook-ga.

Waxaa la soo wariyay in 88% dadka Turkida inay warbaahinta bulshada u adeegsadaan inay sawirro kula wadaagaan dadka kale halka inkale oo badan u isticmaalaan inay xoggo ka helaan, muuqaallo dhigaan ama ka daawadaan.

You must be logged in to post a comment Login