Somaliland Maxay Afka uga Xidhatay Ka Hadalka Qaraxii lagu Dilay Guddoomiyihii Maxkamadda Sool?

DOWLADDA SOMALILAND OO KA AAMUSTAY QAXARA LAGU DILAY GUDDOOMIYIHII MAXKAMADDA GOBOLKA SOOL 2020
DOWLADDA SOMALILAND OO KA AAMUSTAY QAXARA LAGU DILAY GUDDOOMIYIHII MAXKAMADDA GOBOLKA SOOL 2020

Madaxtooyada  Oo Tacsidii Kala Masuugtay Gudoomiyhii  Maxkamada  Gobolka  Sool Ee Laascanood  Lagu  Dilay + Aamusnaanta Wasiirkii Arimaha Gudaha Oo Fajiciso Labaad  Ku  Noqotay Shacabka!

Hargeysa(aftahannews):- Toddobaadkan dhammaaday, ayaa magaalada Laascanood lagu dilay  Allaah ha u naxariistee Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool Marxuum Xasan Sheikh Maxamuud Kadib Markii gaadhigiisa loogu xidhay Walxaha Qarxa kaasi oo sobobay geerida gudoomiyhii maxkamada ee gobolka sool.

 

DOWLADDA SOMALILAND OO KA AAMUSTAY QAXARA LAGU DILAY GUDDOOMIYIHII MAXKAMADDA GOBOLKA SOOL 2020
DOWLADDA SOMALILAND OO KA AAMUSTAY QAXARA LAGU DILAY GUDDOOMIYIHII MAXKAMADDA GOBOLKA SOOL

Laamaha kala duwan ee xukuumada Somaliland ayaan gabi ahaanba ka hadal dilka gudoomiyihii maxkamada ee gobolka sool, iyadoo xataa aan sheegin cid falkan loo Qabtay iyo talaabada ay xukuumadu ka qaadayso dadkii falkaa foosha xun fuliyay dhacdadan oo ku cusbayn Guud ahaan  Gayiga Somaliland.

Sidoo kale Madaxwaynaha Somaliland Ayaan wax tacsi ah Udirin qoyskii iyo qaraabadii,Bahda Garsoorka Iyo qaranka uu ka Baxay Marxuumku toona.

Arintan  ayaa fajac iyo amakaag ku noqotay shacabka Somaliland oo iyagu dhacdadan siwayn uga xumaaday xukuumadana ka sugayay in ay faah faahin ka bixiso dilka gudoomiyaha maxkamada ee gobolka sool,

Sicad looma oga sobobta  rasmi ah ee xukuumadu uga hadli wayday iyadoo wasaarada arimaha gudaha, taliska ciidanka booliska iyo maamulka gobolka sool ay gabi ahaanba afka ka xidheen ka hadalka dilkan iyo sobobta gabi ahaanba uga aamuseen ka hadalka dhacdadan naxdinta leh ee lagu dilay gudoomiyihii maxkamada gobolka sool oo qaranka shaqo mihiim ah u hayay.

Waxaa sidoo kale aan ka hadal dilka gudoomihii maxkamada gobolka sool bahda garsoorka Somaliland ee uu ka tirsanaa oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha maxkamada sare ee Jamhuuriyada Somaliland.

Dhanka kale Maamulka gobolka sool iyo xukuumada ayaan ka qayb galin aaskii gudoomiyihii maxkamada gobolka sool Marxuum Xasan Sheekh maxamuud iyadoo xataa maamulka gobolka sool ay kala masuugeen in  Aas qaran loo Sameeyo iyo  ka qaybgalka  jinaasadiisii.

Arinta ay ku kaceen laamaha dawlada Somaliland ee uu ugu sareeyo madaxwayne biixi ayaa noqotay mid dareeno kala duwan ku abuurtay guud ahaan shacabka Somaliland gaar ahaan shacabka magaalada laascaanood, iyadoo dhanka kale  cabsi ku abuuraysa masuuliyiinta qaranka ee xilalka kala duwan ka haya gobolka sool oo talaabada ay xukuumadu kaga aamustay ay ku keenayso in aanay jirin xukuumada ay isku haleeyaan taasi oo iyana dhaawac ku keenaysa shaqadooda maadaama aanay haysan kalsooni dawladeed oo la wadaagta dhib iyo dheeh hadba wixii ka horyimaada marka ay gudanayaan shaqada qaranka.

Si kastaba ha ahaatee qorshaha ay xukuumada madaxwayne biixi kaga aamustay ka hadalka dilkii foosha xumaa ee gudoomiyihii maxkmada gobolka sool ayaa noqotay mid hadalhaynteedu ka dhex taagan tahay shacabka Somaliland taasi fadeexad ku noqonaysa xukuumada Somaliland iyo laamaheeda amaanka halka ay xusuus togan ay arintani ku keenayso qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay gudoomiyihii maxkamada gobolka sool oo xataa waayay dawlad la wadaagta tacsida masuul isaga oo shaqadii qaranka gudanayay la dilay balse xukuumadii masuuliyadu ka saarnayd aanay iska saarin wax masuuliyad ah oo ay ugu yar tahay in bal qoyska uu baxay maxruumku ay la wadaagto  murugada tacsida.

Halka Aan la garan Karin qoyskii iyo caruurtii uu kabaxay marxuumku in dawlada Somaliland ay damaanad qaado Amaankooda iyo nolosha Aabihii ka dabari jiray Uu Naftiisii ku Waayay Isagoo gudanaya Shaqadii Uu qaranka Somaliland u hayay, wallow xataa uu waayay tacsidii madaxtooyadu udirto cidkasta oo shacabka Somaliland ka geeriyootay, iskaba daa masuul xil qaran Hayee.

Xigasho Wajaalenews.net.