Kooxda Xuutiyiinta Oo Xukun Dil Ah Ku Riday 30 Xildhibaan Oo Tirsan Baarlamaanka

Sanca, (Aftahannews)-Kooxda Xuutiyiintu ee dagaalka kula jirta dawlada Dalka Yaman ayaa xukuno dil ah ku riday ku dhawaad 30 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dalka Yaman.

Xuutiyiinta ayaa xildhibaanada  ku eedeyeeyay in hantidooda loo adeegsado dagaalka ay dowladda Yemen uga  soo horjeedo.

Maxkamada Maanta xukunka ku riday xidhibaanadda ayaa ah mid gaar ah oo ay Xuutiyintu ku maxkamadeeyaan dadka ay u arkaan in  jiritaankooda ay caqabad ku yihiin.

Xuutiyiiinta ayaa sheegay in xidhibaanadani ay ugu digeen in ay dhaqaale ku bixiyaan dagaalka ay dawladdu ku hayso mucaaradka balse ay ka dhega adageen.