Dalal Carbeed Oo Samaynaya Isbahaysi Lagu Weeqayo Erodgan

Hargeysa, (Aftahannews)- Madaxa sirdoonka dalka Masar, Abas Kamel ayaa billaabay socdaal rasmi ah oo uu ku marayo dhowr dal oo Carbeed, ayada oo ujeedku yahay in la saxeexo heshiisyo amni oo ka dhan ah saameynta madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erodgan uu ku leeyahay gobolka.

Warbaahinta gudaha Masar ayaa kasoo xigatay ilo sirdoon in ciidamada Masar “ay dib uga soo guranayaan Libya,” waxayna intaas ku dareen inay Turkey ku cadaadineyso inay joojiso saameynta ay ku leedahay Waqooyiga Afrika.

Toddobaadyadii dhowaa, Kamel ayaa booqday dalalka Sudan, Algeria iyo Morocco. Waxa uu Sudan kala hadlay in dagaalyahano dheeri ah ay usoo dirto Libya.

Dowladda Algeria, ee uu hoggaamiyo madaxweynaheeda cusub Abdelmadjid Tebboune, ayaa dhowaan lagu warramay inay walaac ka muujisay xaaladda Libya.

Shantii Febraayo, wasiirka arrimaha dibedda Sabri Bogadom ayaa la kulmay Jeneralka fallaagada ah ee Libya Khalifa Hafta, si uu ugala hadlo xaaladda Libya.

Kamel ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta Marocco kala hadlay in Ankara ay taageerto dhaq-dhaqaaq Islaami ah oo kasoo horjeeda dowladda dalkaas.

Xidhiidhka Turkey iyo dalalka Carabta ayaa sii xumaaday kadib markii ay dhowaan ciidamo gaysay dalka Libya, si ay u taageeraan dowladda dalkaas ee wajaheysa weerarka kaga imanaya Jeneral Khalifa Haftar.

Dalalka Masar, Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Sudan iyo Algeria ayaa ka mid ah dalalka taageera Jeneral Khalifa Haftar.