Dawlad Dadkeedda Bilaash Uga Dhigtay Gaadiidka Dadweynaha

Iyadoo la isku dayayo yareynta cidhiidhiga, Luxembourg ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay dunida ee bilaash ka dhiga gaadiidka dadweynaha. Tani waa markii ugu horreysay oo la soo saaro go’aan xaqiijinaya in dalka oo idil gaadiidka dadweynaha laga dhigo mid bilaash ah, sida uu xaqiijiyay wasiirka gaadiidka.

Go’aanka ka soo baxay xukuumadda  Luxembourg ayuu ujeedkiisu yahay sidii hoos loogu dhigi lahaa cidhiidhiga waddooyinka, siday werisay AFP. Sidaa darteed, qorshahan waxa uu abuurayaa in qof walba ay sannadkii u baaqan doonto ku dhawaad 100 Euro oo u dhiganta ($110).

Dadweynaha qaar ayaan ogeyn isbeddalka ka dhacay dalkooda ee ku aadan gaadiidka, “Ma bilaash baa? Ma aanan ogeyn,” ayay tidhi haweeney

Qorshahan bilaashka looga dhigayo gaadiidka waxaan qeyb ka aheyn tikidhada heerka sarre ee tareenka iyo basaska habeenkii u adeegga bulshada.

Inta ugu badan dadka ku safra Luxembourg waxay adeegsadaan gawaadhidooda gaarka ah sida lagu sheegay daraasad la daabacay sannadkii 2018-kii. Isticmaalka baska halkan waxaa shaqadooda ugu safra keliya  32% halka tareennada ay ku safraan dad lagu qiyaasay 19% sida ay werisay AFP.