Dhalashada Labka La Doorbido Oo Sii Yareynaysa Dheddiga!

Daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday in cadaadiska ka jira dalalka Shiinaha iyo Hindiya ee la xidhiidha dhiira gelinta dhalmada ragga uu horseeday in haween badan iska soo ridaan carruurta.

Ku dhawaad 23 Milyan oo dheddig ah ayaa maqan kaddib markii haween badan iska soo rideen carruur loogu sheegay inay noqonayaan dheddig.

Natiijadda daraasadda ayaa tilmaameysa in ku dhawaad 10.6 Milyan oo carruur dheddig ah laysaga soo riday Hindiya halka 11.9 Milyan oo kale laga soo diiwaan geliyay Shiinaha.

Xubnaha kooxda baadhitaanka oo u dhashay Singapore ayaa xusay in siyaasadda halka wiilka Shiinaha iyo rabitaanka waalidka inay sii xumeysay xaaladda.

Macluumaadka baadhitaanka oo socday muddo 5 sanno ah ayaa laga ururiyay 202 dal oo caalamka ah oo ay ku jiraan dalal dhalashada ragga laga doorbido haweenka.

Daraasadda ayaa muujisay in rag jecleysiga ka jira meelo badan oo dunnida ah uu wax badan ka beddelay isku dheelitirnaanta tirada rag iyo dumar. Waxaa la tilmaamay in 200 ee wiil inay 105 ka mid ah noqdaan lab.

Caqabadan ayaa ah mid aan ugub aheyn inkastoo daraasado badan tilmaameen in haweenka ka cimri badan yihiin ragga oo ay gaadhaan da’ fog.