Guddoomiye Cirro oo Ku Fashilmay inuu Xisbiga Ka Saaro Siyaasi Duur iyo Xildhibaan Buubaa

Hargeysa (Aftahahannews)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la sheegay inuu ku guulaysan waayey iskuday uu ku doonayey in uu Xisbiga kaga saaro Siyaasi Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ah xubno ka tirsan Xisbiga.

Guddoomiye Cirro, ayaa shir ay Axaddii toddobaadkan yeesheen guddiga fulinta ee xisbiga Waddani, wuxuu ku shaaciyay qorshihiisa uu rabo in uu xisbiga kaga saaro labadaasi siyaasi.

Hase-yeeshee, Guddiga fulinta ayaa la sheegay inay ka horyimaaddeen qorshaha Guddoomiye Ciro uu ku rabay in uu xisbiga uga saaro Duur iyo Buubaa, maadama ay yihiin xubno taageero ku dhex leh xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Labadan siyaasi ee uu Ciro rabay in uu xisbiga ka saaro ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen arrin uu dhowaan soo jeediyay Madaxweynaha Somaliland, kaasi oo ahaa in dib loo furayo ururada Siyaasada.

Guddoomiye Ciro ayaa isaga u arka in ujeedka uu Biixi kalahaa furida ururada siyaasada mid xisbigiisa looga dan leeyahay in looga saaro saaxada xisbiyada Somaliland.

Qorshaha Guddoomiye Ciro ayaa ku soo dhamaaday fashil, maadama ay ka horyimaadeen xubnaha guddiga fulinta ee xisbigu, ayna ku doodeen in Labadaasi siyaasi uu xisbigu u baahan yahay.

Waxaana qorshe lamida midka Ciro, dhowaan qaaday Guddoomiye Faysal kaasi oo uu xisbiga Ucid uga saaray xubno muhiim ah oo ka tirsanaa, kuwaasi oo kala ahaa Maxamuud Cali Ramaax iyo Maxamuud Cali Jiir.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.