Maraykanka iyo Itoobiya oo isku Maan-dhaafay Heshiis la’aanta Biyo-xidheenka Webiga Nile

WEBIGA BIYAHA NILE IYO KHILAAFKA KA TAAGAN BIYO-XIDHEENKA ITOOBIYA 2020
WEBIGA BIYAHA NILE IYO KHILAAFKA KA TAAGAN BIYO-XIDHEENKA ITOOBIYA 2020

Addis Ababa / Washingtong (aftahannews):- Dowladaha Itoobiya iyo Maraykanka, ayaa isku maan-dhaafay Biyo-xidheenka Webiga Nile blue Itoobiya ka samaynayso, isla markaana ay isku khilaafsan yihiin Itoobiya, Masar iyo Sudan, Maraykankuna soo dhex-galay khilaafkaas.

WEBIGA BIYAHA NILE IYO KHILAAFKA KA TAAGAN BIYO-XIDHEENKA ITOOBIYA 2020
WEBIGA BIYAHA NILE IYO KHILAAFKA KA TAAGAN BIYO-XIDHEENKA ITOOBIYA 2020

Waxay Dowladda Itoobiya sheegtay in halka ay Dowladda Mareykanku ka taagan tahay Biyo-xidheenka muranka dhaliyay ee Nile uu yahay mid aan la aqbali karin. Washington ayaa wadahadal ka dhex waday dalalka Masar iyo Itoobiya oo in muddo ah ku muransanaa mashruuca biyo xireenka oo laga cabsi qabay in uu dagaal u horseedo labada dal.

Itoobiya ayaa Mareykanka ku eedeeysay in uu ka dheereynayo doorkiisa oo ay sheegtay inay tahay in uu dhexdhexaad iyo kor-joogteyn ka noqdo arrinta.

Arrintan ayaa timid kadib markii Mareykanka uu sheegay in dhismaha biyo-xireenka aanan la dhameystiri karin ilaa iyo inta heshiis rasmi ah laga gaarayo. Wasaraadda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in Itoobiya ay ka qeybgeli doontaa wadahadalada ka socda Magaalada Washington.

Haddii Itoobiya ay dhameystirto biyo xireenkaas waxaa uu noqonayaa biyo xireenka ugu weyn qaaradda Afrika ee koronto lag dhaliyo, waxaana Itoobiya iyo dalalka kale ee deriska la ah ay ka heli doonaan koronto awood leh.

BIYO-XIDHEENKA ETHIOPIA EE WEBIGA NIILKA 2020
BIYO-XIDHEENKA ETHIOPIA EE WEBIGA NIILKA 2020

Xukuumadda Addis Ababa ayaa dooneyso inay buuxiso biyo xireenka marka la gaaro bisha June ee sanadkan, balse dalka Masar oo ku tiirsan biyaha wabiga ayaa walaac ka muujisay dhismaha biyo xireenkaas, iyadoona sheegtay inay saameyn doontaa biyaha ay ka hesho halkaas.

Dowladda Masar oo boqolkiiba 90 ku tiirsan biyaha wabiga Nile ayaa heshiis ay dhinacyada Masar iyo Sudan wada gaareen sanadkii 1932 waxaa uu dhigayaa in dhammaan xuquuqda biyaha la siiyo dalalkaas, waxaana Masar ay mashruucaas u aragtay mid khatar ku ah dalkeeda tan iyo markii la bilaabay sanadkii 2011-ka.

Masar ayaa ka baqeysa in wabiga uu gacanta u galo Dowladda Itoobiya, waxaana ay dooneysaa in biyo buuxinta biyo xireenka ay muddo qaadato, si aanay isu dhimin biyaha wabiga. Arrintan ayaa xiisad ka dhex abuurtay labada dal, waxaana mid walba uu ku goodiyay in uu qaadi doona tallaaba walba oo laga mamaarmaan ah, si ay u ilaashadaan danahooda.

Dowladda Mareykanka ayaa soo kala dhexgashay labada dhinac sanadkii 2019-ka, si ay u dhexdhexaadiso, waxaana toddobadkii lasoo dhaafy ay sheegtay in la gaaray heeshiis, waxaana xukuumadda Washington ay Itoobiya ku boorisay inay dhaqangeliso heshiiska. Heshiiskaas ayaa waxaa uu dhigaya in aanan la buuxinin biyo xireenka iyadoo aanan la saxiixin heshiiska rasmiga ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, Gedu Andargachew ayaa sheegay in warka kasoo yeeray Dowladda Mareykanka uu yahay mid aan diblomaasiyadda waafaqsaneyn, waxaana uu yiri: “waxaan dooneynaa in Mareykanka uu yeesho door wax hagaajin ah, waxkalena aanan la abqali karin”.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhiggiisa Masar u sheegay in dowladiisa ay dedaal walb u geli doonta sidii heshiis looga gaari lahaa muranka biyaha ku saleysan ee u dhaxeeya labada dal.

Xigasho BBCSomali.com.