Iran oo Shaaca ka Qaadday inay ku guulaysatay soo Saarista Dawooyinka Cudurka Corona-virus

Iran Coronavirus
Iran Coronavirus

Tehran(Aftahannews):- Xukuumadda Iran, ayaa sheegtay inay ku guulaysatay La-dagaallanka Caabuqa sida xawliga ah ugu faafaya Dunida ee Corona-virus, isla markaana ay sii laba jibaarantay wax-soo-saarka lagula dagallamayo ee dilaya jeermiska, qalabka iyo alaabada nadaafadda ee loo adeegsanayo Coronavirus.

Iran Coronavirus
Iran Coronavirus

“Iran waxay leedahay wax-soo-saarka dawooyinka jeermis-dileyaasha iyo waxyaabaha nadaafadda ugu yaraan waa la laban-laabmay labadii toddobaad ee la soo dhaafay iyadoo waddanku sii xoojinayo dagaalka ka dhanka ah dillaaca cusub ee coronavirus.” sidaa waxa yidhi, Reza Rahmani oo ah Wasiirka Wershadaha, Macdanta iyo Ganacsiga.

Reza Rahmani ayaa Talaadadii maanta sheegay in dawladdu ay u oggolaatay shirkaddaha ay khusayso inay kordhiyaan wax soo saarka kiimikada, waxyaabaha ka hortaga loogu isticmaali karo Coronavirus iyo waxyaabaha nadaafadda loo adeegsado.

Iran, WHO discuss COVID-19 screening, diagnose and treatment 2020
Iran, WHO discuss COVID-19 screening, diagnose and treatment 2020

Waxa uu sheegay in uu kordhay wax-soo-saar badan oo ay ka mid yihiin waxyaabaha lagu xidhto wejiga, waxyaabo gacmaca lagu nadiifiyo iyo galoofyada la gashado gamcaha, wuxuuna xusay Reza Rahmani in ilaa horraantii bishii Febreury markii ay dalka soo waajahday xaalad degdeg ah ee la arakay baahida loo qabo in la sameeyo wixii lagula dagaalami lahaa jeermiska dilaaga ah ay Iraan la kulantay inay yaraatay sahaydii ugu horreysay laakiin durbadiiba ay sii dardargeliyeen dadaallada ay ku qancinayaan baahida suuqa, sidaa awgeed la kordhinayay wax-soo-saarka gudaha iyo sidoo kale dhoofinta.

Sidoo kale, Afhayeenka garsoorka Iiraan, Gholam-Hossein Esmaili, ayaa lka hadlay xadhiga dad badan oo xabsiga loo taxaabay, kuwaas oo lagu eedeeyay inay tahriibinayeen sahayda caafimaadka, sida jeermis-dilayaasha, qalabka afka lagu xidho iyo galoofyada, waxa kale oo uu ka hadlay dadka loo xidhay inay faafinayeen Fayriska Coronavirus iyo ciqaabta ay la kulmi karaan.

“Haddii lagu helo dambiga ah ‘fiafinta Coronavirus iyo musuqmaasuqa tahriibinta qalabka iyo dawooyinka Caafimaadka ee lagula tacaalayo Coronavirus. Shakhsiyaadkaasi waxay waajihi karaan ciqaabta dilka. Haddii kale, waxaa loogu bedeli karaa muddo dheer oo xabsi ah oo u dhexeeya shan illaa 20 sanno ah.” ayuu yidhi Af-hayeenka Garsoorka Iran Gholam-Hossein Esmaili, oo arrintaa faahfaahin ka bixinayey.

Coronavirus – oo loo yaqaan COVID-19 – ayaa markii ugu horreysay ka soo baxay Shiinaha dhammaadkii sannadkii hore wuxuuna hadda ku sii faafayaa oo isaga gudbay qaaradaha dunida, isagoo gaadhay in ku dhow 70 dal oo dunida ah, wuxuuna dalalka Sucuudiga iyo Norway noqdeen kuwii ugu danbeeyay ee lagu arkay Coronavirus.

Xawaaraha faafitaanka Coronavirus ayaa abuuray cabsi laga qabo in oo gaadho dalal aan awoodin inay helaan adeeg acaafimaad sida dalalka Afrika oo uu hore ugu soo talaabay, wuxuuna Cudurka aafada Coronavirus saamayn ku yeeshay dhaqaalaha Aduunka iyo isu socodka dunida, isla markaana galaaftay in ka badan, 3 124 qof oo adduunka ah.

Coronavirus ayaa asiibay ilaa markii la xaqiijiyay Desember 92,321 qof, iyadoo tiro gaadhay 48,458 kasoo kabteen Coronavirus, waxayna tirada dhimashada iyo kuwa uu asiibay Coronavirus intooda badan u dhaseen dalka China ee Cudurku kasoo bilaabmay.

Dalka Iiraan sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka warbixintii u danbaysay 77 qof, ayaa u dhintay, waxaana caabuqa Coronavirus oo markii u horaysay ee dalka Iiraan lagu arkay Gobolka Qom iyo Rasht uu gaadhay 2,336 qof, iyadoo xukuumadda Iiraan si weyn ula tacaalayso.

Hogaamiyaha dalka Iiraan Ayatollah Khamenei, ayaa ku booriyay dadka reer Iiraan inay u hogaansamaan awaamiirta rasmiga ah ee ku saabsan la dagaalanka coronavirus.

“Amarradan waa inaan sinaba loogu xadgudbin, sababtoo ah Ilaahay wuxuu inagu waajibay inaan qaadno mas’uuliyadda caafimaadkeenna iyo tan dadka kale; sidaa darteed, waxkastoo gacan ka geysan kara caafimaadka bulshada kana caawiya ka hortaga faafitaanka cudurka waa dhaqan wanaagsan, wax kasta oo lid ku ah caafimaadka Bulshada iyo wax kasta oo fududaynaya faafistiisa waa dembi.” ayuu yidhi, Hoggaamiyaha Iiraan Ayatollah Khamenei oo hadalkaa ka jeediyay munaasibad lagu xusayay maalinta Qaranka iyo Toddobaadka Kheyraadka Dabiiciga ah ee Iiraan.

Sidoo kale, wuxuu dhammaan hay’addaha dowladda, xafiiskiisa, iyo sidoo kale Ciidamada Qalabka u xilsaaray sidii ay howsha wada shaqeyn buuxda ugala yeelan lahaayeen Wasaaradda Caafimaadka, oo safka hore kaga jirta la dagaallanka coronavirus, isagoo xusay Ayatollah Khamenei inay dammaanad qaadayaan masiibadaa oo ahayd mid ku meelgaadh ah oo aan ahayn mid ballaadhan, isla markaana ay ku xakamaynayaan waqtiga loogu talagalay.

Wuxuu u mahadceliyay dhakhaatiirta, kal-kaaliyayaasha caafimaadka iyo guud ahaan bulshada dadaalkooda qiimaha badan, isagoo sheegay inay ku howlan yihiin “jihaad iyo Jidka Eebbe.”, isagoo xusay inay jiraan dalal kale oo cudurku si baahsan ugu fidayo, khuburada Caafimaadka iiraan ay si weyn u sameeyeen dedaal sidii loo xamayn lahaa Coronarus.

“Dabcan, uma jeedo inaan qaddariyo arrinta, laakiin waa inaan sidoo kale la buun-buunin. Arrintan muddo dheer ma socon doonto, laakiin waaya-aragnimada ay keento iyo sidoo kale dadaallada ay sameeyeen dadka iyo hay’addaha waxay la mid yihiin layli wadareed oo loo isticmaali karo guul, ”ayuu yidhi Hoggaamiyaha Iiraan Ayatollah Khamenei.

Xukuumadda Iiran, ayaa maalmihii lasoo dhaafay sheegtay in ay dacaayado iyo warar been-abuur ah oo ku waajahan xaalada Coronavirus ee dalkeeda ay faafinayaan waraahinta reer galbeedka qaarkood iyo kuwa dalalka Khaliijku ay maalgeliyaan oo baahinaya dacaayado iyo warar aan sal raad lahayn oo la doonayo in lagu wiiqo midnimadooda, qaranimadooda iyo dhaqaalahooda, balse waxay xukuumadda Iiraan ku baantay in aannay dheg u dhigayn dacaayadaha iyo beenta, isla markaana ay ka guulaysanayaan waxay ugu yeedheen cadawga Islaamka iyo Shaydaanka.

Xigasho Araweelenews.com.