Waa Sidee Xaaladda Balad-Xaawo Dagaal Isniintii Gilgilay Ka Dib?

BALADXAAWO
BALADXAAWO

Balad-xaawo (aftahannews):- Xaaladda degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, ayaa maanta deggan, ka dib markii Dagaal Hubka culus la isu adeegsaday Isniintii shalay ka dhacay,  kaddib dagaal culus oo maalintii shalay ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad gobolleedka Jubaland.

BALADXAAWO
BALADXAAWO

Dagaalkii shalay ayaa sababay inta la ogyahay geerida ilaa 5 ruux  halka tiro ka badan 10 ruux kalana ay ku dhaawacmeen, iyadoo meelaha qaarna degmada ay ku dhaceen madaafiic leysku weydaarsaday dagaalka.

Inkastoo xaaladu saakay deggan tahay haddana dadka degmada ayaa qaba cabsi la xiriirta dagaal mar kale dhici kara madaama wali ay is hor fadhiyaan dhinacyadii iska horimaadku dhaxmaray oo meelaha qaar wali ka wada dhaqdhaaqyo ciidan.

Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa guulo ka sheegtay, halka dhinaca kale Jubbaland dhankeedu sheegtay in ay iska difaaceen weerar uga yimid Dowladda Soomaaliya.

Xigasho Hiiraan.com.