Laascaanood (Aftahannews):- Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud Cumar, ayaa ku geeriyoodey Qarax lala eegtay Gaadhigiisa wakhti uu gelayey Huteel Xamdi oo ku yaal Suuqa Bari ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaas.
Xasan Maxamuud Warsame oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Laascaanood, ayaa dhimashada Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka u xaqiijiyey Idaacadda VOA, isagoo sheegay inuu ku dhintay Qarax gaadhigiisa lala eegtay amma loogu xidhay midkood.
Mas’uuliyiinta gobolka Sool iyo Laamaha Ciidanka Ammaanka Somaliland midna weli kama hadal qaraxaas Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool lagu dilay.
Daawo Warkan Koowan ee Muuqaalka ah ee Weriyaha Laascaanood ee Baddacas24TV ka diyaariyey Qaraxa Guddoomiyaha lagu dilay:-
Wixii faahfaahin ah ee ka soo kordha warkaas kala socda qaybaha dambe ee baahinta Warbaahinta aftahannewws.com
aftahanninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.