Somaliland: Wasaaradda Diinta oo Shaacisay Shuruudaha laga Rabo Ardayda Ka Qaybgelaya Tartanka Caalamiga ah ee Quraanka Kariimka

Hargeysa(aftahannews):- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay inay qabanayso tartanka Qur’aanka Kariimka ah, is loogu diyaar-garoobo tartanka Caalamiga ah ee Qur’aanka oo marka la gaadho bisha Barakaysan ee Ramadaan sannadkan lagu qabanyo Dalka Djibouti, kaasoo lagu casuumo Arday ka socota dalalka Carabta iyo Afrika oo ay Somaliland-na ka mid tahay.

AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND 2020.jpg
AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND 2020.jpg

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan qabanayaan tartanka Qur’aanka Kariimka ah, wuxuuna tilmaamay in Ardayda ku guulaysata tartanka ee Somaliland ee Wasaaraddu qabanayso dhawaan.

“Sannad walba waxa dalka Djibouti lagu qabtaa tartan Caalami ah oo quraanka Kariimka ah, waxaana tartankaa qabta oo maalgeliya Madaxweynaha Dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ka qaybgala dalal baddan oo Muslim ah, kuwaas oo Somliland ka mid tahay wadamada lagu soo marti qaado.” ayuu yidhi, Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Sheekh Aadan, wuxuu sheegay in Somaliland laga rabo saddex Arday oo ku tartamaya 30 Jiz, 20 Jiz iyo 10 Jiz ee quraanka Kariimka ah, isla markaana ay meteli doonaan Somaliland marka ay ka qaybgalaan tartanka Caalamig ah ee quraanka Kariimka ah

“Ardayda ka qaybgelay tartanka waxay metelayaan Somaliland, markaa waxa looga baahanyahay tartanka is reeb-reebka ah ee Wasaaraddu qabanay, wuxuu sheegay in looga baahanyhay shuruudaha qodobadan:-

In Ardaygu Maddarasadda uu ku tirsanyhay ka diiwaan-gashan tahay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Inay Maddarasaddu samaysay diiwaangelintii sannadkan.

In Mamulaha Maddarasadda Ardaygu ka socdaa ka diiwaan-gashan yahay Wasaaradda, waxaanayn Madarsad walba soo gudbinaysaa saddex Arday oo u tartama, 30 Jiz, 20 Jiz iyo 10 Jiz ee quraanka Kariimka ah.

Waa in Ardaygu si fiican u xafidsanyahay 30 Jiz, 20 Jiz iyo 10 Jiz ee quraanka Kariimka ah, ima qaybta uu ku tartamayo.

Waa in aan Ardayga da’diisu ka weynaan 25 jir.

Haddii Maddarasaddu ku dooddo in Ardayga ay soo xushay ku tartamayo 30 Jiz, 20 Jiz iyo 10 Jiz ee quraanka Kariimka ah saddexdaa qaybood mid ahaan oo keliya oo aannay keenin saddex Arday way tixgelinaysaa Wasaaraddu mana jirto wax caqabad ah oo kaga imanaya.” ayuu yidhi Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu.

Agaasime Aadan waxa uu tilmaamay in tartanka is reeb-reebku bilaabmayo, 15 March 2020 – 17 March 2020, oo tartanku ka dhici doono xarunta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu intaas ku daray inay sannadkan u diyaariyeen Wasaarad ahaan guddi adag, kuwaas oo ka garsooraya tartankaa, isla markaana aqoon dheer u leh quraanka kariimka ah.

Dhinaca kale, Agaasimaha Waaxda Masaajidada iyo Madaarista ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Macallin Aadan, ayaa sheegay in guddi aqoon dheer u leh Qur’aanka Kariimka ah loo saaray tartanka. Waxa uu Sheekh Maxamed ammaanay Macallimiinta Maddaarista ee iska diiwaangeliyay Wasaaradda, isagoo ugu baaqay kuwa aan weli iska diiwaangelin Wasaaradda inay is diiwaangeliyaan.

Sidoo kale, waxaannu Warka Shirka Jaraa’id ee Masuuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu Tartankan ku shaaciyeen idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.