Xisbiga UCID oo Xilka-qaadis iyo Shaqo-joojin ku Sameeyey Ramaax iyo Jiir Cali Madoobe

Hargey(aftahannews):- Shir ay yeesheen Xubnaha Guddiga fulinta Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa xilka lagaga qaaday Xoghayihii arrimaha gudaha ee Xisbigaas Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), halka Shaqo-joojin lagu sameeyey Xoghayaha golaha dhexe ee Xisbigaas Maxamuud Cali Muuse (Jiir) illaa inta laga gaadhayo shirka golaha dhexe ee UCID oo qabashadiisu ku beegantay bisha 8-aad ee 2020-ka.

Sidoo kale, shirkaas Guddiga fulinta ee UCID oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe, ayaa lagu taageeray heshiiska khamiistii dhex-maray Madaxweynaha iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ah ee la xidhiidha khilaafkii Komishanka iyo qabsoomidda doorashada golayaasha wakiillada iyo deegaanka.

Qoraalka Guddiga Fulinta ee UCID ka soo baxay Sabtidii maanta oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.