Saylici oo Si Kulul uga Jawaabay Hadallo Ka Soo Yeedhay Faysal Cali Waraabe iyo Boqor Buurmadoow!

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadallo ay heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumaddu kala saxeexdeen ee la xidhiidha soo afjaridda khilaafka ka taagnaa Komishanka cusub ee doorashooyinka iyo sidoo kale qabashada doorashada golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo Khamiistii ay Madaxweynaha iyo Guddoomiyeyaasha UCID iyo Waddani kala saxeexdeen.

Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa sheegay inaan loo baahnayn in la sii wadwado khilaafka heshiiska laga gaadhay iyo sidoo kale in heshiiska la duro toono. Saylici oo ka hadlay Bandhigga Buug uu qoray Weriye Axmed Siciid Cige oo caawa lagu soo lagu qabtay Hargeysa, ayaa ka xumaaday hadal uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ka jeediyey Bandhiggaas iyo sidoo kale war uu Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow bixiyey oo uu heshiiska ku duray isagoo jooga Imaaraadka Carabta.

Haddaba, hadallada ay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Jawaabta uu Madaxweyne Ku-xigeen Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici ka bixiyey hadalka Faysal iyo warka Buurmadoow wuxuu ka yidhiba, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.