Shamis Qardo-jeex Maxay Ka tidhi Heshiiska laga gaadhay Khilaafkii doorashada Somaliland?

Canada(aftahannews):- Fannaanadda Reer Somailand ee Shamis Qardo-Jeex oo deggan dalka Canada, ayaa bogaadisay heshiiskii khilaafka doorashada iyo murankii Komishanka doorashada Somaliland ka taagnaa ee ay Khamiistii isla gaadheen Madaxweynaha iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani.

Shamis Qardo-jeex, ayaa sheegtya inuu heshiiskani guul u yahay Somaliland, naxdinna ku yahay cadawga Somaliland, loona baahan yahay inay mar walba door hoggaamineed qaataan Madaxweynaha iyo Madaxda Xisbiyada Somaliland.

Sidoo kale, waxay ka hadashay Xubno sheegay in Xasuuqii Somaliland ka dhacay xaq ahaa, waxaanay bogaadisay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Fannaanadda Fadxiya Kabayare iyo Dad kale oo ka soo horjeestay Xubnaha weedhaha gefka ah ku dhawaaqay.

Haddaba, Shamis Qardo-jeex oo arrimahaas iyo kuwo kaleba ka hadlaysa, waxaannu warkeeda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.