Culimada Somaliland oo Si Caam ah Khudbadihii Jimcaha ugaga Hadlay Sida looga Digtoonaan Karo Halista Cudurka Corona Virus

Somaliland (aftahannews):- Ka dib markii ay Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland isla eegeen halista Coronavirus disease (COVID-19) (Karona-fayras) oo dunida si xawli ah ugu faafaya iyo wacyigelinta Bulsho ee loo baahan yahay in la sameeyo, ayuu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed Culimada dalka u soo jeediyey inay Bulshada ka wacyigeliyaan khatarta cudurkaas, maaddaama oo uu yahay mid Alle-ka cabsi uun lagaga badbaadi karo.

CULIMADA SOMALILAND OO KA HADLAY CUDURKA CORONA VIRUS 2020
CULIMADA SOMALILAND OO KA HADLAY CUDURKA CORONA VIRUS 2020

Sidaa daraaddeed, Culimada oo Ajiibtay, fulisayna Farriinta Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, ayaa inta badan Masaajiddada magaalooyinka Somaliland Khudbaddii Jimcaha ee maanta waxay ku soo qaateen, isla markaana ku qaadaa dhigeen Coronavirus disease (COVID-19).

Magaalada Hargeysa Culimada Khudbadihii Jimcaha kaga hadlay Xanuunkaas, waxa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo Khaddiib ka ah Masjidka Rusheeye iyo Sidoo kale Sheekh Maxamed Aadan oo Khadiib ka ah Masjidka Cali Mataan, waxaanay sheegeen inuu cudurkani u muuqdo cadho Illaahay iyo wax ay keeneen fasahaadka dunida ka jira, mar haddii awood-sheegashadii dowladda Shiinaha iyo dhibta ay ku haysay Muslimiinta ay aad u badnayd, iyaga laftooduna ay garawsadeen in culayskii ay Muslimiinta dalkooda saareen Allaah ugaga aar-gudayo cudurkan aan xuduudka lahayn.

Sidoo kale, Masjid Jaamaca Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayuu Khudbad uu ka jeediyey Sheekh Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Maxamuud kaga hadlay xanuunkaas, waxaanu u mahad-celiyey Wasiirka iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland baraarujinta ay Culimada ku baraarujiyeen inay bulshada ka wacyigeliyaan cudurkaas.

Masjidka Al-huda oo ka mid ah Masaajiddada ugu waaweyn magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxa Khudbadda Jimcaha ka jeediyey Sheekh Cabdiweli Maxamed Cali, waxaanu yidhi, waxaanu soo jeediyey in loo baahan yahay inay dowladdu doorkeeda qaadato oo ka hor-tag badan iyo xaddidaad dhaqdhaqaaqa dibedda ah la sameeyo.

Sheekh Cilmi Sheekh Ismaaciil Sheekh Axmed, ayaa isna Khudbadda Jimcaha oo uu ka jeediyey Masjid Jaamica magaalada Boorama, ayaa sheegay in wax kasta oo xaaraan ah laga dheeraado, maaddaama oo waxyaabaha Allaah cunistooda xaaraantimeeyey ay aad u cunaan Dadka Shiinuhu.

Masaajiddada Ceerigaabo, Berbera iyo magaalooyinka kale ee dalka, ayey Culimadu kaga hadleen Khudbadihii ay ka jeediyeen Cudurka Karonafayraska, waxaanay u Duceeyeen guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaanna Dadka reer Somaliland oo ay u soo jeediyeen inay Allaah ka-cabsiga, cibaadada eebbe xoojiyaan oo ay Alla-bariga badiyaan, Nadaafadda iyo Dhaqanka wanaagsan ee Islaamkana ku dedaalaan.

Caabuqa Coronavirus disease (COVID-19) oo bilo ka hor ka bilaabmay dalka Shiinaha, una gudbay dhawr iyo soddon dal oo kale, ayey Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO sheegtay in dad ka badan 2,800 oo ruux ugu dhinteen Dunida, kuwaas oo kun iyo dheeraad Shiinaha ugu dhinteen cudurkaas, halka ku dhawaad 78,800 oo Qof oo kalena ay u jiifaan xanuunkaas,oo astaamihiisa ay ka mid yihiin neef-qabatoow, duuf, xumad iyo is-beddel jidhka ah.

WHO warbixin ay Jimcaha maanta soo saartay ayey sidoo kale ku sheegtay in laga cabsi qabo inuu dunida oo dhan saameeyo, marka loo eego xawaaraha uu ku socdo, iyadoo maanta oo qudha ay kordheen 5 dal oo isla jimcaha shaaciyey inuu gaadhay cudurkaasi, isagoo si xooggan u sameeyey isu socodka dalalka dunida iyo sidoo kale dhaqaalaha oo hoos u dhac badani ku yimi.

Nuxurka Khudbadaha Culimada Somaliland ka kala jeediyeen Magaalooyinkaas Jimcihii maanta ee ay Xanuunkaas kaga hadleen, iyaga oo maqal iyo muuqaalba ah, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.