Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca Dagaal Dhex-maray Ciidanka Ehlu-Sunna iyo Dowladda Soomaaliya

Breaking_news-5

Dhuusamareeb (aftahannews):- Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay dagaalladii maanta ilaa xaley ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxayna isugu jiraan ciidammadii dagaallamayay iyo dad rayid ah, sida ay BBC oo aannu warkan ka soo xigannay u sheegeen ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Galmudug.

Breaking_news-5
Breaking_news-5

Dagaalka si weyn ayuu u saameeyay magaalada, waxaana istaagay ganacisga iyo isu socodka gaadidka. Waxaa sidoo kale xirmay isbitaalka guud ee Dhuusamareed kaddib dagaalka xooggan ee ciidammada Ahlu Sunna iyo kuwo dowladda ku dhexmaray halkaas.

Dhanka kale, wararka aan ka heleyno magaalada Guriceel waxay sheegayaan in ugu yaraan 2 qof oo ka tirsanaa ciidankii dagaallamayay ay halkaas ku dhinteen.

Wararka waxay sidoo kale sheegayeen in markii hore ciidammada Ahlu Sunna ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidammada booliska ee Guriceel.

Waxaana haatan lagu soo warramaya in ciidammada dowladda ay dib ula wareegeen saldhiggaas kaddib dagaal culus oo ay la galeen ciidanka Ahlu Sunna. Xaaladda Guriceel ayaa haatan degan inkasta oo ay xiisad ka taagan tahay magaalada.

Dagaalkan, ayaa Hoggaanka Ehlu-sunna Wal-jameeca iyo Maamulka Galmudug dhinacba dhinaca kale ku eedeeyey inuu weerar ku soo qaaday oo ay ka jawaabeen.

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.