Dowladda Turkiga oo Qaaradda Yurub Ku Fasaxday Malaayiin Qaxoonti iyo Muhaajiriin isugu Jira

QAXOONTI SUURIYAAN AH OO U GUDBAYA YURUB MARKII TURKIGU FASAXAY 2020.jpg
QAXOONTI SUURIYAAN AH OO U GUDBAYA YURUB MARKII TURKIGU FASAXAY 2020.jpg

Ankara(aftahannews):- Dowladda Turkiga, ayaa Oodda Ka Qaadday Qaxoonti Fara-badan oo Dalkeeda Ku Sugnaa, kuwaas oo ay Ku Fasaxday Waddamada Qaaradda Yurub oo ay Albaab uga ahayd Dadka Nolol-raadiska ah.

QAXOONTI SUURIYAAN AH OO U GUDBAYA YURUB MARKII TURKIGU FASAXAY 2020.jpg
QAXOONTI SUURIYAAN AH OO U GUDBAYA YURUB MARKII TURKIGU FASAXAY 2020.jpg

Koox muhaajiriin ah oo ku sugan dalka Turkey ayaa maanta u dhaqaaqay dhanka xuduudda dalkaas uu la wadaago Greece iyo Bulgaria, ayaga oo ku wajahan Yurub.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda Ankara uu sheegay inaysan hadda kadib u hogaansami doonin heshiiskii ay sanaddii 2016 la saxiixdeen Midowga Yurub ee lagu joojinayo muhaajiriinta usoo socdaalaya Yurub.

 

Sarkaalka ayaa kadib u sheegay Reuters in booliska iyo saraakiisha ilaada xuduudaha lagu amray inay ka hor wareegaan qaxootiga doonaya in dhulka iyo badda ay uga tallaabaan Europe.

Dowladda Turkiga, ayaa Khamiistii sheegtay in 33 askari looga dilay duqeyn ay ciidamada dowladda Syria ka fuliyeen gobolka Idlib. Dagaalka Idlib ayaa horseeday in qaxooti badan oo Syrian ah ay usoo cararaan dhanka Turkey.

Turkey ayaa waxay hadda marti-gelisaa 3.7 milyan oo qaxooti Syrian ah waxayna sheegtay inaysan xamili karin intaas ka badan. Culeyska mart-gelinta qaxootiga “waa mid aad ugu culus inuu hal dal xambaaro.” ayuu yidhi Sarkaalka Turkiga ah ee la hadla Reuters, sida ay laanta Afka Soomaaliga ee VOA oo soo xigatay ku warrantay.

Waxaanay arrintani culays weyn ku noqon kartaa dalalka Yurub ee Turkigu albaabka uga ahaa Qaxoontiga iyo Muhaajiriinta nolol-raadiska ah ee Turkigu sannado ka hor hakiyey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannew.com

Hargeysa/Somaliland.