Madaxweyne ku-xigeenka IRAN oo laga helay Coronavirus

Tehran (Aftahannews) – Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Masoumeh Ebtekar, ayuu haleelay caabuqa coronavirus.

Sidaana waxa weriyey Maanta Wargeyska Dawladda Iran leedahay.

Iran ayaa ah waddanka uu Coronavirus ku dilay dadka ugu badan, marka laga yimaaddo Shiinaha.

Ugu yaraan 26 Qof ayuu illaa hadda caabuqa Coronavirus ku dilay Iran, iyada oo uu haleelay dad gaadhaya 255 ruux, kuwaasi oo ay ku jiraan 106 qof oo uu dhawaan uun haleelay.

Iran ayaa dalkeeda ka mabnuucday inay soo galaan Dadka u dhashay Waddanka Shiinaha, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka Iran ee Irna.

Ms Ebtekar ayaa ah Madaxweyne ku-xigeenka Haweenk iyo Arrimaha Qoyska ee Iran

Haweenaydan Madaxweyne ku-xigeenka ka ah IRAN ayaa laga helay calaamadaha caabuqa Coronavirus, waxaana la dhigay Cisbitaal.

Madaxweyne ku-xigeenkan ayaa xanuunka laga helay, laba maalmood uun ka dib, markii caabuqa laga helay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee IRAN, Iraj Harirchi.

Masuuliyiinta IRAN oo uu ku jiro Madaxweyne Rouhani ayaa sheegay in aanay dawlad ahaan weli qorshayn inay Magaalooyin iyo degmooyin Kaaraantimeeyaan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.