Bangiga Horumarinta Afrika oo ansixiyay $122 milyan oo lagu taageerayo deyn cafinta Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Bangiga Horumarinta Afrika iyo Sanduuqa maalgalinta Afrika ayaa ansixiyay $ 122.55 milyan, si Soomaaliya lagaga nadiifiyo deymaha lagu leeyahay, taas oo wadada u xaadheysa in Bangiga adduunku uu furo fursado lagu maal-galinayo Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Beileh, oo arintan ka jawaabayay ayaa sheegay, bangiga horumarinta Afrika in uu Soomaaliya ku raacay isbadallada adag oo ka dhigi kara Soomaaliya in ay noqoto meel u wanaagsan dhammaan dadka Soomaaliya.

“Waxaa naga go’an inaan sii wadno dib u habaynteena maadaama aan aragnay faa iidooyinka nidaamyadeena dowladnimo iyo awoodda aan u maareyno dhaqaalaheena, iyo, tan ugu muhiimsan, oo ah  inaan sare u qaadno isla xisaabtanka dowladda,” ayuu yidhi wasiir Bayle.

Bangigu wuxuu qorsheynayaa inuu si dhakhso leh dib ugu bilaabo wada shaqeynta caadiga ah ee lala yeesho Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya isla marka ay caddayso waxa ku soo dhacay Bangigeeda.

Kaalmo maaliyadeed oo dheeri ah ayaa la bixin doonaa si loo taageero isbeddelada socda iyo dib u habaynta cusub ee lagama maarmaanka u ah Soomaaliya si ay u gaadho dhibcaha dhameystirka iyadoo la adeegsanayo Kobcinta Awoodaha wadamada saboolka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.