Qodobbada Heshiis ay Xukuumadda & Xisbiyada Mucaaradku Ka gaadheen Khilaafkii doorashada

MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO GUDDOOMIYEYAASHA UCID IYO WADDANI OO HESHIIS GAADHAY 2020
MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO GUDDOOMIYEYAASHA UCID IYO WADDANI OO HESHIIS GAADHAY 2020

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland iyo hoggaanka xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa heshiis rasmi ah ka gaadhay dooddii ay axsaabta mucaaridka ahi ka qabeen guddida cusub ee doorashooyinka qaranka iyo qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO GUDDOOMIYEYAASHA UCID IYO WADDANI OO HESHIIS GAADHAY 2020
MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO GUDDOOMIYEYAASHA UCID IYO WADDANI OO HESHIIS GAADHAY 2020

Shir ballaadhan oo ay xarunta madaxtooyada ku yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Sidoo kale, waxaa heshiiskaas goob-joog ka ahaa Xubnaha hoggaanka ugu sarreeya Xisbiyada Kulmiye, UCID iyo Waddani, waxaanay qalinka ku duugeen heshiis is-afgarad buuxa lagaga gaadhay khilaafkii qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiilada iyo deegaanka sidoo kalena ay xisbiyada mucaaridka ahi kusoo buuxinayaan labadii xubnood ee ka dhinaa guddida cusub ee doorashooyinka qaranka, si ay gudida doorashooyinka qaranka ee hada xilka hayaa u gutaan waajibaadkooda shaqo ee dastuuriga ah, iyada oo xubnihii hore ee gudida doorashooyinku ay noqon doonaan xubno farsamo ahaan iyo khibrad ahaan u kaabi doona gudida doorashooyinka qaranka.

Waxaana kulankaasi door weyn ku lahaa qabsoomiddiisa, oo qeybna ka ahaa Wafdi uu hogaaminayey Nicolas Berlanga oo ka socday Midowga yurub, kuwaasi oo labada dhinac cadaadis xoogan ku saaray in xal kama dambeysa ah laga gaadho khilaafkaasi.

Kulankaasi ayaa waxa xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid, iyo weliba Madaxweyne Biixi ku gaadheen heshiis lagu soo afjarayo xiisada ka dhalatay arrimaha doorashooyinka, sida uu sheegay Xoghayaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

Xoghayaha ayaa sheegay in lagu heshiiyay arrimo badan, balse ay ugu muhiimsanaayen labo qodob oo kala ahaa:

  1. In la qabto doorashada wakhtigeeda oo ah marka la gaadho dhamaadka sanadkan 2020
    2. In doorashooyinkaasi ayna qaban Guddiga la isku khilaafsan yahay balse lagu wareejiyo guddigii hore ee doorashada, oo ay wehlinayaan saddex xubnood oo matala beesha caalamka.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili ay xisbiyada mucaaridka ay ku baaqeen in xil ka xayuubin lagu sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana la qabto doorashada madaxtinimada, maadama uu ku fashilmay hogaaminta Somaliland.

Hoos ka akhriso heshiiska oo dhameystiran:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.