Qodobbo Xal u Noqon Kara Khilaafka soo Cusboonaaday ee u Dhexeeya Xukuumadda KULMIYE iyo Xisbiyada Mucaaridka ah

Inta bani’aadamku nool yahay khilaafku wuu jirayaa, wuuna iman karaa, balse waxa mar walba muhiim ah in khilaafkasta oo yimaada laga istaago dhinaca wanaagga, laguna dedaalo sidii loogu heli lahaa xal waara, iyadoo ay muhiim tahay in laga digtoonaado in khilaafku sababo dhibaato ka wayn ama ka khasaare badan arrimaha la isku maan-dhaafsan yahay.


Khilaafka cusub ee ka dhex bilaabmay Xukuumadda KULMIYE iyo Xisbiyada Mucaaridka ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa u muuqda inuu yahay mid ka sii culus, suurtogalna ay tahay inuu ka saamayn bato khilaafyadii hore ee la xidhiidhay arrimaha doorashooyinka, balse haddana qodobbada ay labada dhinac isku khilaafsan yihiin waxa ka badan waxyaabaha ay isku mawqifka ka yihiin ama ay heshiiska ku yihiin.
Saddexda xisbi qaran ee Somaliland, Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo Saaxiibbada Somaliland ee Beesha Caalamku waxay isku wada raacsan yihiin inay muhiim tahay in doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaannada la qabto inta aannu dhammaan sannadkan lagu jiro ee 2020, haddii Ilaahay yidhaahdo, balse go’aankii uu Madaxweynuhu ku soo bandhigay khudbad-sannadeedkiisii uu jeediyey 18 February 2020 ee ahaa in dib loo furo Ururrada Siyaasadda, lana soo gaabiyo muddo-xileedka xisbiyada ee ku eeg 2022-ka, ayaa cirka ku sii shareeray khilaafka u dhexeeya mucaaridka iyo muxaafidka.
Wefti ka socda dalalka iyo Ururrada Caalamiga ah ee la saaxiibka ah Somaliland, ayaa soo gaadhay Caasimadda Hargeysa, kuwaasoo uu hormuud u yahay Safiirka Midawga Yurub Ambassador Nicolas Berlanga, waxayna isku deyayaan sidii ay isugu soo dhawayn lahaayeen Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xukuumadda KULMIYE, loona heli lahaa heshiis suurtogeliya in doorashooyinka lagu qabto sannadkan gudihiisa.
Haddaba, waxa aan shan qodob oo aan shaqsi ahaan u arko inay xal u noqon karaan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka Somaliland, waxayna kala yihiin;
1. In Dib loogu noqdo heshiis ka koobnaa siddeed qodob oo ay Saddexda Xisbi Qaran iskula qaateen shir ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Somaliland taariikhdu markii ay ahayd 27 July 2019-kii, Ergo ka socotay Beesha Caalamkuna goob-joog ka ahayd, kadibna heshiiskaas laga soo qaato qodobbada khuseeyey in wax-ka-beddel lagu sameeyo Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaannada ee Xeer Lr. 20/2002, gaar ahaan qodobkiisa 11-aad, farqaddiisa 1-aad, xarafka “A” iyo farqaddiisa 2-aad, xafarka “B” sii loo kordhiyo tirada xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo hadda ah toddoba xubnood, lagana dhigo sagaal xubnood, iyadoo labadaas xubnood ee soo kordhayna ay yeelanayaan labada xisbi mucaarid ee jira, si ay xisbiyada Mucaaridku u yeeshaan afar xubnood (xisbi walba laba xubnood soo magacaabo).
2. In Xisbiyada Mucaaridku ogolaadaan shanta xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ee hadda xilka haya, marka sharciga la dhammaystirana ay ku soo darsadaan afar xubnood oo ay Mucaaridku soo magacaabaan, kadibna doorashooyinka ugu horeeya ee la qabanayo sannadkan ay maamulaan Komishan ka kooban 9 xubnood oo afar ka mid ah Mucaaridku leeyihiin.
3. In Xubnaha Komishanka Doorashooyinka oo ka kooban shanta xubnood ee hadda jooga iyo afarta xubnood ee Xisbiyada Mucaaridku soo magacaabaan ay iska dhex doortaan Guddoomiye iyo Guddoomiye-ku-xigeen cusub, Guddoomiyaha hadda jooga Mr. Cabdirashiid Riyo-raac ee khilaafka taagan xuddunta u ahina uu xilkaas Guddoomiyenimo iska casilo, si uu noqdo xubin ka mid ah Komishanka Doorashooyinka.
4. In Wax-ka-beddel iyo Kaabis lagu sameeyo Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee xeer Lr. 14/2011, laguna qeexo in doorashooyinka Deegaannada ee dalka Somaliland ay shantii sanno hal mar qabsooma ay ka wada qaybgalaan saddexda xisbi qaran ee jira iyo Ururro cusub oo la diwaangeliyo, taasoo macnaheedu noqonayo in Ururrada la furo shantii sanno hal mar, kadibna saddexda Urur ama xisbi ee ugu sareeyaa ay noqdaan saddexda xisbi qaran ee ka qaybgala doorashada Madaxtooyada, taasina waxay fursad u noqonaysaa saddexda xisbi aanay kooto ugu haysan dalka Somaliland.
5. In saddexda xisbi qaran, Xukuumadda iyo Golayaasha Qaranku ay heshiis ka gaadhaan sida ugu habboon ee la isku waafajin karo doorashooyinka Golayaasha Degaannada ee la doonayo in la qabto sannadkan 2020 (Insha Allaah) iyo muddo-xileedka xisbiyada ee waqtigu ka dhacayo laba sanno kadib oo ah 2022, iyadoo la isla qaadanayo in Golayaasha Degaanka muddada loo kordhiyo ilaa sannadka 2022 ama in muddada xisbiyada la soo gaabiyo oo dib loogu soo celiyo sannadkan 2020, sababtoo ah mar walba way isku xidhan yihiin doorashooyinka Golayaasha Degaannada iyo Furista Ururrada Siyaasaddu.
Qodobbadan aan soo jeediyey waa fikirkayga gaarka ah oo aan is-moodsiiyey inay xal u noqon karaan khilaafkan u dhexeeya xisbiyada Mucaaridka iyo Xukuumadda KULMIYE ama ugu yaraan ay suurtogelin karaan in la gaadho xal kale oo Somaliland u horseeda heshiis waara iyo doorashooyinka oo qabsoomaya sannadkan lagu jiro ee 2020, haddii Ilaahay yidhaahdo.

By; Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland.