Beesha Caalamka oo War-murtiyeed ka soo saartay doorashada 2020 ee Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Dowladaha iyo Ururrada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya, ayaa war ay si wada-jir ah oo ay soo saareen ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in ay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan, sidii Soomaaliya looga qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku dhacda.

Qoraal saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shaciga doorashada federaalka Soomaaliya ee ay dhawaan ansixiyeen Golaha Shacabka Soomaaliya, isla markaana uu 20-kii bishan saxeexay madaxweyne Farmaajo, uu qeyb ka yahay hannaanka doorasho ee aasaasiga iyo lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashooyin qaran, oo u suurto-gelinaya in tirada ugu badan ee muwaadiniin ah ay codeeyaan.

War-saxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ay garwaaqsanyihiin mas’uuliyadda saaran Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka si uu u hirgeliyo sharciga doorashada.

Waxay kaloo sheegeen in ay carrabka ku adkeynayaan sida dhakhsaha leh ee looga baahanyahay dhamaan dhinacyada ay hawshu khusayso oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Baarlamaanka Federaalka ah, xisbiyada siyaasadda inay wada shaqeeyaan, iyagoo taageero ka helaya GMDQ oo guda geli doona hawsha hirgelinta sharciga doorashada.

War-saxaafadedkan ayaa lagu sheegay in saaxibadda Soomaaliya ay carrabka ku adkeynayaan in qabsoomidda doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo dhaca wakhtigii loogu talagalay oo lagusoo doorto Baarlamaanka Federaalka ah iyo Madaxweynaha Federaalka ah, iyadoo loo marayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaadhka ah, ay muhiim u yihiin xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Qoraalka saxaafadeedkan ayaa waxaa si wada jir ah u soo saaray, Dowladaha Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Ethiopia, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Norway, Sweden, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Maraykanka, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur-Goboleedka IGAD, iyo Qaramada Midoobay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.