Shirkadda Hass Petroleum oo Beenisay Eedayn uu Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland u Jeediyey

“Arrintani Maaha eed Fudud, waana Ceebayn Shirkadda ah, Sharciga ayaan la Tiigsanaynaa Wasiirka Hawlaha guud…” Cabdirisaaq Ibraahim, Maamulaha Hass ee Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Mamulka Shirkadda Shidaalka ee Hass Petroleum oo ah shirkaddaha ugu weyn ee Shidaalka Keena Somaliland, isla markaana ka hawlgasha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Dalalka Afrikada Bari, ayaa iska fayday eedayn uu wasiirka Hawlaha Guud Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qanbi u jeediyay.

Wasiir Qanbi oo maanta ka hadlay xaalada Buuhoodle, ayaa ku eedayay shirkadda Hass Petroleum inay qayb ka tahay Jabhad hubaysan oo laga abaabulayo deeganka Buuhoodle, isla markaana ay hubaynayso shirkaddu Jabhadaa.

Hase yeeshee Maamulaha Shirkadda Hass Petroleum qaybteeda Somaliland, Cabdirisaaq Ibraahim Ataash, oo warbaahinta kula hadlay Xafiiska Shirkaddu ku leedahay Magaalada Hargeysa maanta, ayaa sheegay inay shirkad ahaan sharciga la tiigsan doonaan Wasiirka Hawlaha Guud haddii aanu keenin Caddaymo u markhaati-furaya eedaymaha uu ujeediyey shirkadda.

“Maaha in si fudud laysaga eedeeyo shirkad, iyadoo la ogyahay Shirkadda Hass, doorka ay ku leedahay horrumarka, shaqa-abuurka iyo taakulaynta Ardayda Somaliland, mana dhacayso in aan ka hadhno ee waxaan la tiigsanaynaa sharciga oo dariiqa sharciga ah ayaan u maraynaa, markaa ama Wasiirka ayaa Cadaymo keeni oo shirkaday ku cadaan, wuxuu sheegay, ama isaga ayaa denbiile noqnaya.” ayuu yidhi, Maamulaha Hass ee Somaliland.

Cabdirisaaq, waxa uu sheegay in aanu weligii arag meel ay ku taal Buuhoodle, isla markaana aan lagu eedayn karin dhibaatooyinka ka socda Buuhoodle, wuxuu aad ugu cel-celiyay in aannay ka hadhayn arrintaa oo ah eedayn culus, balse uu ku tilmaamay mid ka dhalatay waxyaabo fudud oo aannu hadda ka sheegayn, wuxuuna shacbiga Somaliland ka raali geliyay eedaymahaa wasiirka oo uu sheegay in aanay waxba ka jirin.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka Warka:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.