Xil: Cabdiqaadir Jirde oo Ka Hadlay Siyaasadda Dibedda, Talooyinna u Jeediyey Madaxweyne Biixi

Hargeysa(aftahannews):- Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde, ayaa Sheegay in loo baahan yahay in Madaxweynaha Somaliland Talo Qaran ka yeesho Siyaasadda arrimaha dibedda, isla markaana laga gaashaanto danaha ay dowladaha Shisheeye ka leeyihiin Somaliland.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, isla markaana dood golahaasi maanta yeeshay ka qaybqaatay, ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo talo badsado is-beddellada siyaasadeed ee Afrika iyo Dunidaba ka socda iyo halka ay Somaliland kala qabsanayso, sidoo kale loo baahan yahay in talo qaran laga yeesho siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland.

Cabdiqaadir Jirde oo sidoo kale ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waxaannu warka laga diyaariyey dooddiisa, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.