Cabdinaasir Buuni Muxuu ka yidhi Inuu Kulmiye Ku Biirayo, Xilna uu Madaxweynuhu u Magacaabayo?

Hargeysa(aftahannews):- Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Xisbiga UCID oo in muddo ah aan Xisbina ka tirsanayn, ayaa ka hadlay warar sheegay inuu ku biirayo Xisbiga talada haya ee Kulmiye, isla markaana Madaxweynaha Somaliland xil u magacaabayo, waxaanu eedaymo u jeediyey Xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID.

Cabdinaasir Buuni oo u warramay Baddacas24TV, ayaa sheegay inuu Muwaaddin reer Somaliland ah yahay, isla markaana ay waajib ku tahay haddii Madaxweynuhu xil u magacaabo inuu qabto, sidoo kalena uu soo dhawaynayo go’aanka Madaxweynuhu ku sheegay inuu ku furayo Ururrada Siyaasadda oo wakhtigii sharcigu dhigayey in la furo ay muddo laba sano ahi ka hadhsantay.

Waraysiga kooban ee uu Buuni arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.