Maraykanka oo Sheegay inuu Duqeeyey Dagaalyahanno Al-Shabaab ka tirsan

DIYAARAD DUQAYNAYSA MEEL SOOMAALIYA KA MID AH
DIYAARAD DUQAYNAYSA MEEL SOOMAALIYA KA MID AH

Somalia(aftahannews):- Ciidanka Mareykanka ee ka howlgala Africa ayaa sheegay, in duqeyn cirka ah oo ay shalay ka fuliyeen degmada Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe ku dileen, maleeshiyo ka tirsan ururka Al Shabab.

AL-SHABAAB.jpg
AL-SHABAAB.jpg

War-saxaafadeed maanta kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay, in weerarkaasi oo ay iska kaashaxdeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo AFRICOM lagu bartilmaameedsaday xarun ay Al Shabab ku leedahay Saakow.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in qiimeynta howdhaca ah ee weerarkaasi ay muujineyso, in la dilay laba ka tirsan Al Shabab sidoo kalana lagu dhaawacay mid kale. Taliye-kuxigeenka dhanka howlgallada ee ciidanka AFRICON, Brig. Gen. Miguel Castellanos ayaa sheegay, in Al Shabab ay si aanan kala sooc-lahayn u disho dadka.

Wuxuu intaasi ku daray in ay ka faa’ideystaan dadka Soomaalida ee dayacan, qoysaska barakaca ah isla markaana ay canshuur qasab ah saarto dadka. Mareykanka wuxuu sheegay in weerarka ay ka fuliyeen degmada Saakoow aysan waxyeello kasoo gaarin dadka rayidka ah.

Xigasho VOASomali.