Dowladda Soomaaliya iyo WFP oo heshiis is-fahan ah kala saxeexday

Muqdisho (Aftahannews)- Dowladda Soomaaliya iyo Barnaamijka Cuntada Aduunka ee loo soo gaabiyo (WFP) ayaa kala saxeexday heshiis is faham ah kaas oo Soomaaliya oo dhan loogu sameynayo xarumaha digniinaha xilliga hore ee halis-wadareedyada.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya oo dadaal xooggan uga jirta maareynta iyo yareynta khattaraha Musiibooyinka ayaa ku guuleysatay in ay qabato mid ka mid ah hal-beegyada ugu muhiimsanaa ee looga fadhiyay Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xamsa Saciid Xamsa iyo Madaxa ugu sarreeya hay’adda qeybteeda Soomaaliya Ceysar Arroyo ayaa labada dhinac u saxeexay heshiiska.

Heshiikan ayaa ah sidii loo xoojin lahaa loona abuuri lahaa xirfadda iyo agabka loo baahanyahay si Soomaaliya ay awood ugu yeelato in laga sii digo khataraha musiibooyinka ka hor inta aanay dhincin

Isfahamka ayaa dhigaya in dhammaan Dowlada Gobaleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir loo sameeyo xarumaha sii darsa halis-wadareedyada bixiyana digniinaha ka hor inta aanay khatarta soo dhawaan.

Xamsa Saciid Xamsa, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya waxa uu sheegay in sammeynta xarumaha ka sii digo khataraha ay dowr weyn ka cayaari doonto in la xakameeyo khasaaraha ka dhasha musiibooyinka soo noq noqda ee dalka ka dhaca.

“Abuurista iyo kobcinta xarumaha ka sii diga halis-wadareedyada waxay noo sahleysaa in aan awood u yeellanno in aannu ka jawaabno, yareyno isla markaasna aan maareyno musiibooyinka”. Ayuu yidhi Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyina Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Wasiir Xamsa Sheegay in Wasaaraddiisa ku dadaaleyso sidii dalka uu uga gudbi lahaa Musiibooyinka soo noqnoqda loona gaadhi lahaa xal waara.

Dhiniciisa Agaasimaha WFP Soomaaliya Ceysar Arroyo ayaa sheegay in QM diyaar u tahay in ay ka taageerto Wasaaradda dhinacyada dhismaha kaabayaasha loogu tala galay maareynta iyo yareynta khattaraha musiibooyinka.

Arroyo wuxuu sheegay in heshiiska oo socon doono muddo lix bil ah ay ka shaqeyn doonaan sidii uu u soo saari lahaa xirfadlayaal iyo xarumo awood u leh in ay sii saadaaliyaan kana sii digaan halis-wadareedyada.

Heshiiskan oo seddex geesood ah waxaa dhinaca dhaqaalaha ka taageeraya hay’adda Sacuudiga laga leeyahay ee loo yaqaanno King Salman Foundation.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa u mahad celiyay labada hay’adood howsha ay ka taageerayaan dalka soomaaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdissho/Soomaaliya.