“Markay Villa Soomaaliya xorreeyaan, Hana soo hujuumaan..” Xildhibaan Nac-Nac

Hargeysa (Aftahannews) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay Hadal ka soo yeedhay Maxamed Cabdi Yuusuf oo Mar Soomaaliya ka noqday Raysal-wasaare.

Maxamed Cabdi Yuusuf oo Waraysi bixiyey Toddobaadkii hore ayaa sheegay in awood Ciidan loo adeegsado Somaliland, haddii Dawladda xilligan ka jirta Soomaaliya ay hab salmi ah ugu soo dabaali kari waydo Midnimada.

Laakiin, Xildhibaan Nac-nac oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ayaa sheegay in Siyaasiyiinta reer Soomaaliya ay odhan karaan hadallada caynkaas ah, haddii buu yidhi ay awood u yeeshaan Sugidda Amniga Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo uu xusay in Ciidan aan Soomaali ahayn oo Ajaanib ahi ilaaliyaan.

“Ninkaa Raysal-wasaaraha ahaan jiray Caqligiisa ayuun buu hadlay, boogtii ayuu Aysiidh (Acid) ku sii shubay, sidaasi darteed waxaanu leenahay kaalay na soo hujuun oo Ciidan markaad soo kiciso waxa ku qabsada hadduu Adduun-weynuhu yaabi waayo..” ayuu yidhi Xildhibaan Nac-Nac.

Waxaanu intaa ku daray “Markay Villa Soomaaliya Xorreeyaan, waddanka xorreeyaan ee ay Muqdisho xorreeyaan ayaanu ka bixi karnaa inay nagu soo duulaan, laakiin imika iyaga ayaanu u naxariisanaynaa oo waxaanu leenahay Ilaahoow ka qabooji..”

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.