Afar Maalmood oo loo qabtay Safiirka Soomaaliya ee Suudaan

Muqdisho (Aftahannews) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeedhay Safiirka u fadhiyey Dalka Suudaan, ka dib markii Gudaha Safaaradda Soomaaliya ee Khartoum uu ka dhacay dhacdo lagu sheegay ‘Nasiib-darro’.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa amray in Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Osman Ahmed Mohamed iyo La Taliyihiisa koowaad ay muddo afar maalmood gudahood ah kaga yimaaddaan Dalka Suudaan.

Warqad ay Warbaahintu aragtay oo Cawad u diray Safiirka iyo La-taliyihiisa ayaa uu ugu yeedhay inay Dalkooda ku laabtaan, sababtana waxa uu ku sheegay ‘dhacdo nasiib-darro ah’, laakiin si Cad uma sheegin waxa dhacdadaasi ama shilkaasi ahaa.

Warar laga soo xigtay Warbaahinta gudaha ee Suudaan ayaa sheegay inuu jiro khilaaf u dhexeeya labadan masuul, kaasi oo gaadhsiisan inuu dhex maro Dagaal.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.