Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Furay Shirka 1-aad ee Guddiga Wacyigelinta iyo Dabar-goynta Muqadaraadka Somaliland

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa maanta furay, isla markaana guddoomiyey shirka koowaad Guddiga Wacyigelinta iyo Dabar-goynta Mukhaadaraadka heer Qaran ee Somaliland.

Shirkaas oo ay ka sokow Wasiirka ka qaybgaleen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta Aadan Cabdillaahi Cabdalla iyo Garyaqaanka guud ee dowladda Cabdisamad Cumar Maal iyo Guddigaas oo ka kooban toban xubnood oo laba ka mid ahi Gabdho yihiin, ayaa waxaa lagu gorfeeyey qodobbo muhiim u ah guud ahaan shaqada Guddigaas.

Guddigan oo uu dhowaan Wasiirka magacaabay, ayaa laga filayaa waxqabad la taaban karo oo la xidhiidha ka wacyigelinta isticmaalka maandooriyeyaasha iyo dabar-goynta guud ahaan muqadaraadka kala duwan.

Ugu horreyn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Aadan Cabdillaahi Cabddalla oo sharraxaad ka bixiyey shaqada guddigaas iyo muhiimadda ay dalka, dadka iyo dhaqaalaha Somalilandba u leedahay hawsha ay u igman yihiin.

Sidoo kale, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo shirkaa guddoomiyey, ayaa bogaadiyey Xubnaha Guddiga iyo Ciidammada Ammaanka Somaliland oo uu sheegay inay shaqo aad u fiican u hayaan qarankooda, waxaana furitaanka shirkaas ka dib, waxa lagaga dooday ajandaha shirka oo ahaa qorshaha ay sannadkan 2020-ka ku hawlgeli doonaan Guddigu.

Markii shirkaasi soo dhammaaday Guddoomiye ku-xigeenka ahna Afhayeenka Guddiga wacyigelinta iyo dabar-goynta muqadaraadka Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani, ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyey qodobbada lagaga dooday shirka iyo waxa la iskula qaatay, waxaanu bogaadiyey golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland oo wax ka beddel iyo kaabis ku sameeyey Xeerka la-dagaallanka Muqadaraadka, kaas oo loo gudbiyey Baarlamaanka Somaliland oo naaqishaad ka dib ansixin doona xeerkaas.

Haddaba, warkaas oo faahfaahsan iyo hadallada Masuuliyiinta-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahanicn@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.