Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Xasan Sheekh oo Si yaable uga Hadlay Arrinta Somaliland & Ficilka Farmaajo

MUUSE BIIXI XASAN SHEEKH MAXAMUUD SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED IYO FARMAAJO SOMALILAND AND SOMALIA 2020
MUUSE BIIXI XASAN SHEEKH MAXAMUUD SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED IYO FARMAAJO SOMALILAND AND SOMALIA 2020

Muqdisho(aftahannews):- Madaxweyneyaashii hore ee Federaalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay xaaladaha ka dhashay hadalkii Madaxweyne Farmaajo Somalliland ku raalligeliyey oo ay tilmaameen inaanay ahayn raalligelintii ay Shacabka Somaliland mudnaayeen, balse mid ka khafiifsan oo boogo dhaymo u baahnaa damqay uu hadalkiisu ahaa.

MUUSE BIIXI XASAN SHEEKH MAXAMUUD SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED IYO FARMAAJO SOMALILAND AND SOMALIA 2020
MUUSE BIIXI XASAN SHEEKH MAXAMUUD SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED IYO FARMAAJO SOMALILAND AND SOMALIA 2020

Waxa kale oo ay ka hadleen hadal-haynta ahayd in Madaxweyne Farmaajo Hargeysa imanayo oo uu keenayo amma soo kaxaynayo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo marar kala duwan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ka codsaday inuu Hargeysa keeno amma ay wada yimaaddaan Somaliland.

Hadalka Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay Jimcihii maanta ka jeediyeen Muqdisho, waxay ku sheegeen in Xubno maalmahanba ka hadlayey arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya oo sheegay in Xasuuqii loo geystay Somaliland xaq ahaa ay ka mid yihiin la-taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo iyo Dowladdiisa, taasina ay muujinayso in Madaxweynuhu aanu arrinta Somaliland Daacad ka ahayn.

Haddaba,waxaannu Hadallada Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay arrimahaas ka yidhaahdeen, idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.