Dab Qabsaday Cusbitaalka guud ee Burco iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Burco(aftahannews):- Dab, ayaa caawa fiidkii ka kacay qayb ka mid ah Cusbitaalka guud ee magaalada Burco, waxaanu Dabkaasi dhaliyey khasaare soo gaadhay qaybta dambe ee Cusbitaalkaas, sida uu ku soo warramayo Weriye Nuux Maxamed Cabdi.

Goobta Dabku ka kacay ee Cusbitaalka Burco, ayey gurmad ku tegeen Ciidanka Dab-damiska magaalada Burco oo kaashanayey Gaadiidkooda Dab-damiska, si ay u hakiyaan dabkaasi oo aanu qaybaha kale ee Cusbitaalka ugu sii fidin.

Masuuliyiinta Cusbitaalka guud ee Burco, ayaan iyagu wax faahfaahin ah ka bixin sida Dabkaasi ku yimi, waxa sababay iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay ee soo gaadhay Cusbitaalka. Inkastoo aanay jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay Dabkaasi, haddana waxa uu khasaare gaadhsiiyey qaybta dambe ee Cusbitaalka, sida uu Weriyaha Baddacas24TV ee Burco ku soo warramay.

Haddaba, War kooban oo Weriye Nuux Maxame Cabdi oo goobta Dabku ka kacay tegay, isla markaana wax ka soo duubay ka soo tabiyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.