Isu-soobax Berbera Ka Dhacay iyo Waxa lagaga Hadlay – Muuqaal Cajiib ah – Daawo

Berbera(Aftahannews):- Shacabka magaalada Berbera, ayaa isu soobax qurux badan ku taageeray Xuska maalinta Dhalinyarada Somaliland oo sannad kasta la xuso 20-ka Febraayo oo Khamiistii maanta ku beegnayd, waxaanay sidoo kale taageereen sidii uu Madaxweyne Muuse Biixi uga hadlay arrinta Soomaaliya iyo safar la sheegay in Madaxweyne Farmaajo Hargeysa ku imanayo oo xukuumaddu ka noqotay aqbalkiisa.

Haddaba, Dadka reer Berbera oo isu soo baxooda ay kala qaybgaleen Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo iyo marti-sharaf kale, ayaa fagaaraha khayriyada Berbera kala hadlay dadweynaha, waxaanannu warkooda iyo sida isu soo baxaasi u dhacayba idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.