“Madaxweynuhu Been ayuu ka sheegay Korodhka Dhaqaalaha, Garsoorkana..” Xoghayaha Waddani

Hargeysa(aftahannews):- Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi buunbuunin iyo been ku daray Khudbad-sannadeedkiisii Dastuuriga ahayd oo uu Salaasadii toddobaadkan ka horjeediyey labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada.

Xoghayaha Waddani oo u warramay Horn Cable TV, ayaa sheegay in Madaxweynuhu been ku daray korodh dhaqaale oo uu sheegay inuu Somaliland ku yimi intii uu xilka hayey, horumarro dhinaca biyaha, caafimaadka iyo waxbarashadaba ah oo  uu sheegay inuu meel fiican gaadhsiiyey Madaxweynuhu, ayuu Xoghayuhu sheegay inaanu sheegasho mooyee soo bandhigin caddayn lagu qanci karo oo horumarka uu sameeyey la xidhiidha, isagoo tusaale u soo qaatay dhibta ka taagan Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo bishii hore la shaaciyey inay dhawr qof ogsajiin la’aan ugu dhinteen.

Waxa kale oo uu Xoghayaha guud ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi sheegay, in Madaxweynuhu aanu soo bandhigin qorshayaashiisa horusocdka ee sannadkan iyo sannadaha soo socda toona, isla markaana aanu sooba hadal-qaadin seeska horumarka iyo amniga oo ah garsoorka iyo cadaaladda oo ah halka ay bulshadu cabashada ugu badan ka qabaan, sida uu Xoghayuhu hadalka u dhigay.

Haddaba, Waraysiga uu qodobbadaas iyo kuwo kaleba ku faahfaahiyey Xoghayaha guud ee Waddani, Su’aalaha la weydiiyey iyo Jawaabaha uu ka bixiyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.