Muqdisho: Kala Saraynta Gool-dhalinta Somalia Premier League

Muqdisho (Aftahannews)-Tartanka gooldhalinta horyaalka Somali Premier League ayaa sanadkan ah mid aad u xiiso badan, maadaama ay isku haystaan dhowr xiddig oo kala duwan, kuwaas oo raba inay hantaan kabta gooldhalinta horyaalka Soomaaliya.

Kabta gooldhalinta horyaalka sanadkii la soo dhaafay waxaa ku guuleystay ciyaaryahanka kooxda kubadda cagta Elman ee Anwar Sayid Cali Shakunda, xilli sanadkan uu qeyb ka yahay tartamayaasha markale ku tartamaya gooldhalinta horyaalka.

Labo xiddig oo ka tirsan kooxda Mogadishu City Club ayaa isku haysta gooldhalinta horyaalka, kuwaasoo kala ah; Feysal Xasan Xaashi iyo Cabdiqaadir Aadan Eenow Benteke waxayna wada leeyihiin mid 7-gool.

Horyaalka Somali Premier League ayaa wajiga koowaad waxa uu ku dhaw yahay dhammaad, waxaana kaliya ka hartay Todobo kulan, taas oo ka dhigan in gooldhalinta wali tartankiisu uu sii socon doono, maadaama la guda gali doona wajiga labaad ee horyaalka.

Haddaba sida loo kala sarreeyo gooldhalinta horyaalka halkaan hoose ka eeg:-

Feysal Xasan Xaashi  7-Gool

C/qadir Aadan Eenow 7-Gool

Abuukar Axmed Muqtar 6-Gool

Maxamed Kyeline Med 6-Gool

Anwar Sayidcali Shakunda 4-Gool

Emeronye Chidiebere 4-Gool

Jamaal Cabdiraxmaan 4-Gool

Emenayo Victor  4-Gool

Cabdicasiis Catoosh 3-Gool

Faisal Luhachimba 3-Gool

Tobanka ciyaartooy ayaa sanadkan u tartamaya kabta gooldhalinta horyaalka Somali Premier League, iyadoo ay macquul tahay in xiddigo kale ay ku soo biiraan, maadaama horyaalka ay ka harsan yihiin kulammo dhowr ah.