Masuuliyiinta Xisbiyada UCID iyo Waddani oo Qodobqodob u Naqdiyey Khudbaddii Madaxweyne Biixi

“Madaxweynuhu markuu leeyahay Ururradaan Furayaa, wuxuu ka dhiganyey Islaantii Xaabada qaadi kari weyday ee sii korodhsatay..” Xirsi Cali Xaaji Xasan

Hargeysa(aftahannews):- Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, ayaa Naqdiyey Khudbadda Madaxweynaha Somaliland Ka hor-jeediyey Fadhi wada-jir ah oo ay yeesheen labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada.

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo ka tirsan hoggaanka Xisbiga UCID, ayaa khudbadda uu Madaxweynuhu jeediyey ka dib warbaahinta isla maanta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxaanay sheegeen inay Khudbadda madaxweynuhu u eekayd mid olole, qaybo ka mid ahina xaqiiqada ka fogaayeen oo aanu weli wax rasmi ah oo ay ku qancaan ka sheegin kulanka uu Madaxweyne Farmaajo kula yeeshay Itoobiya waxay iskula qaateen.

Waxa kale oo ay Masuuliyiintan Xisbiyada Mucaaradka u hadlay sheegeen in marka uu Madaxweynuhu leeyahay ururrada siyaasadda ayaan furayaa, ay ka dhigantay Islaantii Xaabada qaadi kari wayday ee sii korodhsatay, maaddaama oo uu ku guulaysan waayey inuu dhammaystiro khilaafka guddiga doorashooyinka iyo dib u dhacyada doorashooyinka wakiillada iyo deeganaka ka taagan.

Hadalka Masuuliyiinta Xisbiyada UCID iyo Waddani, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa warkooda muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.