Stamford Bridge: Man.United Oo Xasuuqday Dhigeedda Chelsea

Manchester United ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Chelsea oo marti loogu ahaa Stamford Bridge ka dib markii ay ku suuldaareen labo gool iyo waxba iyadoo muuqaal caawiyaha garsooraha ee VAR uu gaadhay go’aamo muran badan laga keenay.

Gool cajiib ah oo uu ka soo shaqeeyay Wan-Bissaka oo uu dhaliyay Anthony Martial iyo gool kale oo uu madaxa ku dhaliyay Harry Maguire oo nasiib ku lahaa inaan casaan la siinin ayay United ku garaacday Blues, iyadoo kabtanka Man United uu u dhaliyay Red Devils goolkii ugu horeysay ee horyaalka.

Waa markii ugu horeysay taariikhda waayaha Premier League oo ay Man United ka badiso Chelsea labada kulan ee xilli ciyaareedka, iyadoo United ay soo gashay kaalinta 7aad iyagoo seddex dhibcood kaliya ka danbeysa Chelsea oo weli afaraad ku jirta taasoo sii kululeyneysa dagaalka loogu jiro booska kaalinta afaraad ee loogu soo baxayo Champions League.

Ighalo ayaa fursad halis ah waxaa ka badbaadiyay goolhaye Caballero daqiiqadihii ugu danbeeyay ee ciyaarta.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Man United ku garaacday Chelsea iyadoo tartanka kaalinta afaraad uu sii kululaaday.a